Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Tanzania Oo Loo Dhaariyey Xilka

0
Friday March 19, 2021 - 13:19:05 in News by
  • Visits: 1555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Tanzania Oo Loo Dhaariyey Xilka

    Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Tanzania Oo Loo Dhaariyey Xilka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Tanzania Oo Loo Dhaariyey Xilka


Haweenaydii ugu horeysay ayaa taariikhda ku gashay in ay noqoto madaxweynaha Tanzania kadib geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid madaxweynihii hore John Magafuli.

Samiya


Saamiya Xasan ayaa maanta loo dhaariyay xilka, iyada oo gacanta ku haysata kitaabka Qur'aanka , waxayna dhaarta ka dhacday qasriga madaxtooyada oo ku yaala magaalada Daara Salaam ee ah caasimadda ganacsiga dalkaas.

Waxaa dhaariyay xaakimka guud ee dalkaas Ibraahim Juma.

Haweenayday qunyar socodka ah ayaa ku xigeen u ahayd Magafuli tan iyo sanadkii 2015-kii, waxaana aad loogu yaqaanaa qof aad u dhawrsoon sida ay xildhibaanada qaar u sheegeen BBC-da.

Sida uu qabo dastuurka Tanzania, waxa ay dhamaysanaysaa inta ka dhiman muddo xileedkii madaxweynihii hore, taas oo micnaheedu yahay in afar sano ay xilka sii joogayso ka hor inta aanan doorashada xigta la gaarin.

Sanadkii hore ayay dad badan ka yaabisay kadib markii ay isbitaalka ku booqatay hoggaamiyaha mucaaradka Tundu Lisu, kaas oo ka badbaaday isku day dil 2017-kii.

Maxay tiri Samiya?

Dhaarinta kadib, Samiya ayaa hadal jeedin ay samaysay ku sheegtay in culees badan uu garbaheeda saaranyahay, islamarkaasna waxa ay codsatay in meel la iska dhigo kala aragti duwanaanshaha siyaasadda, loona soo jeedsado samotobixinta Tanzania.

Madaxweynihii hore ayay ku tilmaamtay nin waddani ah oo ka baxay qaranka Tanzania.



Loading...
Loading...