Musharixiinta Soomaaliya Iyo Madaxda Maamulada Punland Iyo Jubaland Oo Gole Cusub Ku Dhawaaqay

0
Friday March 19, 2021 - 13:07:28 in News by
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharixiinta Soomaaliya Iyo Madaxda Maamulada Punland Iyo Jubaland Oo Gole Cusub Ku Dhawaaqay

    Musharixiinta Soomaaliya Iyo Madaxda Maamulada Punland Iyo Jubaland Oo Gole Cusub Ku Dhawaaqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharixiinta Soomaaliya Iyo Madaxda Maamulada Punland Iyo Jubaland Oo Gole Cusub Ku Dhawaaqay

Jublanad, Puntland iyo musharaxiinta Mucaaradka Somalia Oo Ku Dhawaaqay Gole La Magac baxay Badbaado Qaran, Oo Cabdi Xaashi Guddoomiye u Yahay
May be an image of one or more people, people sitting, people standing and suit


Gole cusub oo la magac baxay Golaha Badbaado qaran oo ah isbahaysi cusub oo ay hormuud u yihiin Jubland, Puntland iyo midowga murrashaxiinta Somalia, ayaa maanta lagaga dhawaaqay Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia.

Isbaheysigan ayaa waxaa ku mideysan Madaxda Jubbaland iyo Puntland, Midowga Musharaxiinta mucaaridka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sarre.
Golaha Bad-baadada Qaran ayaa waxa uu ka shaqeyn doona sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana dalka looga bad-baadin lahaa doorasho boob ku dhisan, sida ay sheegen.

Waxaa hoggaaminaya golahan oo guddoomiye looga dhigay Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi Cabdillahi, waxayna xubnaha ku midoobay golahaan si weyn uga soo horjeedaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday inuu sii joogo tallada dalka.

Golahan oo ay ku midoobeen siyaasiyiin miisaan culus leh ayaa waxa uu noqonayaa Golihii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga sameeyo Soomaaliya tan iyo intii ay ka baxday kumeel-gaadhka.

Loading...
Loading...