In Kabadan Afartan Tahriibe Oo Ku Dhintay Goob Ay Ku Xeraysnaayee.

0
Friday March 19, 2021 - 09:23:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In Kabadan Afartan Tahriibe Oo Ku Dhintay Goob Ay Ku Xeraysnaayee.

    "Waxaa socda baadhitaan lagu hayo sababta shilkaa keentay,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa socda baadhitaan lagu hayo sababta shilkaa keentay,"

In ka badan 40 tahriibeyaal ah ayaa ku dhintay goob dab ka kacay goob ay ku xirnaayeen oo ay maamulaan xoogagga xuutiyiinta.



Dabka ayaa lagu soo warramay inuu ka dhashay bambooyin lagu tuuray xarunta oo ay dad badan ku sugnaayeen, sida laga soo xigtay goobjoogeyaal.


Dad Soomaali ah ayaa ka mid ahaa muhaajiriinta lagu hayay goobtas, inkastoo aan xog rasmi ah laga heynin sida ay waxyeello uga soo gaartay musiibadaas.


Hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa ku eedaysay xoogagga Xuutiyiinta in ay bambooyin ku tuureen goobtaas oo ay sidaa ku gubatay.


Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay hay'adda in ciidanka goobta ilaalinayey isku dayayeen in ay xakameeyaan mudaharaad ay dhigeen boqollaal tahriibeyaal ah oo badankoodu Itoobiyaan yihiin, kuwaas oo ka cabanayey duruufaha goobta.


Dhaqdhaqaaqa fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay "aad uga xun yihiin" dabka lagu le'day ee bishan horaanteedii qabsaday goob lagu hayo dadka muhaajiriinta ah oo ku taal caasimada Sanca.


Sarkaal sare oo Xuuti ah ayaa sheegay in 44 qof oo tahriibyaal ahi ku dhinteen 193 kalena ku dhaawacmeen dabkaas oo uu ku tilmaamay inuu shil ahaa.


Salaasadii ayaa Qaramada Midoobay dalbatay in baadhitaan madax banaan la sameeyo.

Xuutiyiinta ayaa gacanta ku hayey Sanca iyo dhanka woqooyi-galbeed ee dalka Yemen tan iyo dabayaaqadii 2014, waagaas oo ay ka saareen ciidamadii daacadda u ahaa dawladda Madaxweyne Cabdrabuu Mansuur Haadi.


Colaaddu waxay ka sii dartay sannadkii xigay oo xulufo Sucuudigu hogaaminayo oo ka kooban dalal Carabeed ay faro geliyeen dalkaas si awoodda loogu soo celiyo gacanta dawladda.


Dagaalka waxaa ku dhintay in ka badan 100,000 oo qof, waxaanu dhaliyey duruuftii aadamenimo ee dunida ugu xumayd.


"Waxaan sheegaynaa in aannu aad uga xun nahay dhacdadaa shilka ah ee xarunta lagu hayo dadka tahriibayaasha ah ee Sanca ku taal," ayuu yidhi wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee Xuutiyiinta, Xuseen Al-Cassi, Arbacadii sida uu baahiyey telefishanka Al-Masiirah ee ay maamulaan fallaagadu.


"Waxaa socda baadhitaan lagu hayo sababta shilkaa keentay," ayuu intaa ku daray.

Walow Al-Cassi yahay sarkaalkii u horeeyey ee fallaagada ka tirsan ee sheega in ay ka xun yihiin dabkaa, sidoo kalena sheegay tirada dadka ku wax yeelloobay, hadana kama uu hadlin warbixinta Human Rights Watch.


Goobjoogeyaal ayaa u sheegay hay'adda in dadka goobta lagu hayaa ay 7-dii Maarso ka mudaharaadayeen duruufta nadaafad darrada ah ee goobta ka jirta, kolkaas oo ilaalada goobta iyo xoogagga nabadgelyada ee Xuutiyiintu boqolaal qof ku xareeyeen hangar halkaa ku yaal.


Sida dadkaa goob joogga ahi sheegeen, mid ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ayaa dusha uga baxay hangarka ka dibna laba bambo ku tuuray. Tii koobaad qiiq ayay ku sii daysay oo way ka ilmaysiisay dadkii, halka tii labaadna qarax weyn ayay samaysay oo dabka dhalisay.


Hay'adda Human Rights Watch waxay sheegtay in aanay xaqiijin karin nooca bambooyinkaa la adeegsaday laakiin sida dadka markhaatiga ahi sheegeen waxay noqon karaan bambooyinka suntan dadka ka ilmaysiisa sii daaya.


"Aad baan u naxay, waxaan dareemay in maskaxdaydaba qiiq qariyey. Dadku way qufacayeen, furaashyadii iyo bustayaashii ayaa dab qabsaday," ayuu yidhi qof 20 jir ah oo ka mid ah dadka tahriibka ah. "Dadku noloshay ku gubteen. Maydkooda ayaan ku dul orday markaan goobta ka firxo is lahaa," ayuu intaa ku daray.


Human Rights Watch waxay sheegtay in ciidamo badan la dhigay Isbitaallada shilkaa ka dib, sidoo kalena lagu soo warramayo in ciidamadu ay haddana xidhxidhayeen muhaajiriinta aan dhaawacyada culus qabin.


"Maamulka Xuutiyiintu waa inuu ciddii arintaa ka masuulka ahayd tallaabo ka qaadaa oo uu joojiyaa in uu dadka muhaajiriinta ah ku hayo goobaha xaaladdoodu xun tahay ee naftoodu halista ku galayso," ayay tidhi Nadia Hardman oo ah cilmi baadhe u qaabilsan Human Rights Watch arrimaha qaxootiga iyo xuquuqda dadka muhaajiriinta ah.


Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Martin Griffiths, ayaa markii dambe warbixin uu Golaha Amaamka siinayey ku yidhi: "Waa in la sameeyaa baadhitaan madax bannaan oo lagu ogaanayo waxa sababay dabkaa si loo soo af-jaro arrintan hadal haynta noqotay."


"Dadka Yemen jooga oo dhan iyada oo aan la eegayn dalka ay u dhasheen waxay mudan yihiin in ay helaan daryeel oo la badbaadiyo," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


In kasta oo Yemen dagaal ka socdo, haddana tobannaan kun oo muhaajiriin ah oo badankoodu ka taga Geeska Afrika ayaa isku daya in ay dalkaa sii maraaan sannad walba iyaga oo rajo ka qaba in ay shaqo ka heli doonaa Sucuudiga. Laakiin xuduudda waa la xidhay dadka tahriibka ah badankooduna halkaas ayey ku go'doomaan.


BBC


Loading...
Loading...