"Waa Maxay Sababta Ay Shacabka Somaliland Ugu Mashquulsan Yihiin Siyaasada Soomaaliya"…Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Faah Faahiyey

0
Thursday March 18, 2021 - 22:08:08 in News by
  • Visits: 2160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa Maxay Sababta Ay Shacabka Somaliland Ugu Mashquulsan Yihiin Siyaasada Soomaaliya"…Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Faah Faahiyey

    "Waa Maxay Sababta Ay Shacabka Somaliland Ugu Mashquulsan Yihiin Siyaasada Soomaaliya"…Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Faah Faahiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa Maxay Sababta Ay Shacabka Somaliland Ugu Mashquulsan Yihiin Siyaasada Soomaaliya"…Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Faah Faahiyey


Hargeysa(HWN):-xoghaye ku xigeenka arimaha gudaha ee xisbiga Waddani Sacad Cali Kaahin(Balaaki) ayaa hadlay sababta ay shacabka somaliland ugu foogan yihiin falanqaynta siyaasada Soomaaliya oo aan khusayn.

May be an image of Sacad Cali Kaahin Balaaki and standing


Xoghaye Sacad Balaaki ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey soo saaray waxa uu ku faahfaahiyey aragtida laga qaadan karo falanqaynta ay shacabka somaliland ugu jihaysan yihiin siyaasada soomaaliya oo uu sheegay inay ogyihiin inaanay waxba ka khusayn.

Xoghaye Sacad Balaaki ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

"Waa maxay sababta ay in badan oo kamid ah dadka Reer Somaliand ay mashquulan arimaha kasocda dalka Somalia gaar ahaan arimaha siyaasada,

Iyada oo ay 100% ogyihiin in aanay waxba ka khusaynin ?

Anigu arintaa waxaan ka qaaday waayay oo aan u arkay inay jirto goldaloolo jirta dhanka masraxeena Siyaasiga ah oo xaga jihaynta bulshada ah, madaaba ay jihaynta shacabku ay tahay doorka Siyaasiyiinta, oo bartilmamed,yada siyaasiga waxaa 1 ka ah inuu shacabkiisa jiheeyo kuna jiheeyo waddaniyada wax wada qabsiga iyo wada jirkooda aayahooda iyo jiritaankooda

Oo hadii uu meel kale uu shacabka u jeediyo uu waayo xitaa uu xidigaha dabadoodo iyo dusha sare ee samada uu cadaw ugu tilmaamo, yaanu jirinbe taas oo ay siyaasiga farayso qaacidida hogaaminta siyasadu si aanay aragtidiisa iyo shacabkiisu marnaba aanay isu waayin isagana aanay gacantiisa uga bixin dadkiisu,

Ugu dambayntii waxaan odhan lahaa shacabku jihayn buu rabaa ee hala jaheeyo oo meel wacan haloo jiheeyo, way inagu caajisene Hal_abuur Iyo masrixiyada tayo leh oo aragti dheer ku dhisan ayaa layna rabaa,

Nin la sugayaw adna yaad sugi?

 

Sacad Cali kaahin Balaak xoghaye ku xigeenka arimaha gudaha xisbiga Waddani


Loading...
Loading...