Beertii Negaashaha {W/Q/ Cabdisalaan-Ceeryaamo}

0
Thursday March 18, 2021 - 13:00:22 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beertii Negaashaha {W/Q/ Cabdisalaan-Ceeryaamo}

    Beertaas yar ee Yaanyada u badan dhexdeeda, saakay qof baa waagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beertaas yar ee Yaanyada u badan dhexdeeda, saakay qof baa waagu


 


Waa Siibad yar oo galbeed ka soo oodan, dhanka barina bursho yarkaga beegan. Qudaar Yaanyo u badan ayaa ka belbelaysa, oo dabayshu si arxan daran u babbinaysaa. Waxaa la moodaa in ay bishaaradu,iskeed ugu hoganayso, laakiin waa iska malo iyo moodmadaas uun. Qorrax arooryaad oo aan sidaas u qiimo badnayn-- laakiin diirrimaad leh--ayaa Ileysarooryaad la soo tiigsanaysa waasetiigsimaad aan lahayn, tayo la sheegi karo.

 

Beertaas yar ee Yaanyada u badan dhexdeeda, saakay qof baa waagu ugu dillaacay, oo cadceeddu ku ballaysay. Galab walbana sidaas oo kale, gabbalku ugu dumaa. Waa gugeedii siddeetanaad, waase keedii soddomaad oo ay sidaas beerta ciriiriga ah, u dhex yuurarto. Beri aan dhowayn, ayaa ay halkaan deegaansatay oo aysi daran u jamatay. Dharaar ay tuulada ka sii baqooleysay, baa ay halkaan ribatay oo jilbaha ku mudatay sidii waran cammuudda la cuskiyey. Si kastooy ahaataba, hal-abuurkaas qaayaha leh ayaa ay latimid, oo weligeed miraha kooban eebeertaas kooban ugu soo go', ayaabaad iyo biyoba ugu filnaa, haddana ugu filan. Wax-soo-saarkeeduna sida dhabta ah, badi tuulada wuu gaaray.

 

Waa qof xooggu ka abaadday, oo garashadu ka dhalandhooshay. Waa naf---laakiin cidlada wax badan ayeey ka taqaan.Kitaabbo waawayn ayay dhabtii ka allifi kartaa, noloshaas aadka u qallalan. Waayuhu naca ay nafteeda geliyeen, waxaa uga daran kan uu dadku kuabuuray. Eedda ay maalmaha ka tabanayso, waxaa boqol jeer ka badan ta ay dadkaka tirsanayso; si kastaba ha ahaateelafteedu, waa dhashii nabi aadam, oo eedaha ay dadka kale ka gashay,ayaan tira lagu helayn.

 

Waa qof nabsiga u qoofalan oo wax ay falkisay beri aan dhowayn, ayaa boggeed ku foolanaya. Ruuxlabeeyaa ma jiro oo aan hooskeeda ahayn. Isagaas qudhiisuna, mar walba labo kuma ahan. Waaqof itaal darreysay oo moodeysa shimbiraha fooryayaa, in ay iyada ku diganayaan. Muddulkaas aboorku dilqay oo caaradu damaqday mooyee, meel kale oo ay madaxa la gasho,beertu ma ay lahan; iskaba daayoo,weligeedna ma aysan yeelan. Duqdaas hoobatay oo jirkeedugubtay mooyee, beertuciidan kale ma leh. Ruuxdaas ku jirta jirka aan isku dheelli-tirnayn iyo lafahaas culus ee is raamsanaya, ayaa beerta ka labaatan jira isla iyadaas ayaana ka wax walba ah. Ciidan la'aantiis wax kastaawaa kuu col, haddaad cidla-ku-nool tahayna, Cidla-ka-goobtaa ku helaya oo dabadeed, cidla-laga-hel baad noqonaysaa. Haddii aad sidaas tahayna, siima ahaan ahaan doontide cidladaas qudheeda, ayaa lagugu asturayaa. Ugu dambayntiina qof la waayay, ayaa laga soo qaadayaa.

 

Afka hore ee Muddulka ayay saakay fadhisaa,iyadoo aad mooddeyso in ay sidii hore ka fudiddahay. Waxa ay qooraanso leedahay qudradda qoyan ee aad moodayso, in ay quruxda isugu faaneysa. Fiidda iyo ubaxyadaas barqanaya ayay ku laab-qabowsanaysaa. Mirahaaas cas cas ee yaanyada u badan iyo qarahaas waawayn ee dogobbeysanna wax ay geliyeen,rajo aan badneyn.

 

Weligeed mar kaliya ayaa ay guursatay, markiina kuma nagaan, oo durbadiiba saddex dalqadood oo karaahiyo ah, ayaa dusheeda ka wayooday. Wax ay ahaayeen dalqado dhagxaanta ka culus, biriqdana ka kulul, kuwaas oo weli ka sii yeeraya dhegahaan sii damaya ee qarka u saaran, yeermada in ay gabaan. Ilaa iyo maantadaas, ayaa ay laabteeda xuunshowday ku diq-diqayaan, oo ay damqinayaan. Wax kastoo ay noqo lahayd iyo si kastoo ay yeeli lahayd, iyagaa hor-joogsaday, oo dabadeed Siibaddaas cakiran, nafteeda ku caddibay.

 

Maalinkaas isaga ah, maalmaha kale wuu kala dheeraa. Habeenkeeduna, kuwa kale wuu dhuubnaa. Isbuucaasoo dhanna kuwii la arki jiray,wuu ka cayilnaa, waana ka naaxsanaa. Iyadoo wareersan ayaa ay dhabbe caato ah isaga hibitiqday, oogtii la dalaaqay duhurkeedii. Intii ay dhabbahaas haysay, ayaa ay ku soo dhacday taladani-- in ay kaligeed meel degto--Maalintaas, ayayna ragga la collowday. Waa markii ay go'aansatay in ay sidaan u noolaato, waana markii ay guddoonsatay in aayeheeda, Muddulkaas ku huursanaado.

 

Wajigeedu wuu duubmay, jirkeeduna badankiis, wuu haryuuboobay. Ilkihii waa ay daateen, timihiina sida burka, ayay bool-cad noqdeen. Ookiyaalo aad u waawayn, ayaa ay indhaha ku raadisanaysaa, laakiin si bay uga daba wareegayaan, oo madaxaba geli maayaan. Tib wayn ayaa ay cuskataa, isagaas ayaana uga dhigan ubadkii rejada. Isagaas mooyee cid kale,caawimaad kama hesho; sidaas darteed basharka oo dhan, way ka jeceshahay.

 

Mar kaliya ayay istaagtay,iyadoo aad ka yaabto sida lafaheeda gaboobay, isu qararabsanayaan.Iridka oo dhanka bari ka soo xigaybay ku alaalaxday, sidii abeeso gabowday--Taas oo habeenkoo dhan, gudcurka miranaysay.Ilays yar oo dhanka bari ka soo gelaayay ayaa foolkeeda ku dhacay ka hor inta uusan soo dul-marin, Santuuq isna gaboobay. Waa Santuuq wayn oo sii galbanaya, sideeda oo kale iyo sida Muddulka. Boorka dul-saaran iyo ciidda ayaad dhab-ahaantii, ku saliilyooneysaa. Tartiib ayaa Santuuqii, dabool-ka uga rogtay, dabadeedna bus iyo xaar doolli ayaa ka shagagaxleeyay. Maryo jiir googooyay, bay bannaanka u soo quftay, dabadeedna Juuni idlaaday ayay salka ka soo jiidday. Warqado dhowr ah oo caaraystay, bay guntiisa hoose ka soo cantoobisay, dabadeedna mid mid, ayaa ay u kala shaandhaysay.Islamarkiiba mid bay si gooniya, warqadihii uga soo xulatay, oo dhanka Iftiinka ula soo tukubtay.

 

Waa warqad in badan halkaastiil. Waxaad taas ku garata sida ay dhan walba, uga ruujimowday. Far guduudan ayaa cinwaankeedu ku qoranaay, inta kalena farmadoow sida tan Qur'aanka. Iyadoo aan albaabtii kala habayn bay warqadii yarayd, bannaanka ula soo gaddoontay, si ay u kaashato, kaaaha Qorraxda. Hoos-yaraha galbeed ee Muddulka ayaa ay la fariistay, dabadeedna fartii yaryarayd, bay aqris ku dayday.

 

Ka: Jaalle Afrax Gabeyrre

Ku: Cowrala Xaaji Goob-doon

 

Furriin

 

Cowrala? Saakay waaArboco, bishuna waa Juulaay,1979. Sannad baa laga joogaa, guurkeennii. Berigii aan is guursannay, waxaad ila ahayd bashar! Bashar aad u tayo badan, dhabtiina waad ahayd. Horraantii wax walba wax ay u socdeen sidii aan rabnay, si wanaagsanna qudhaadu, waad u agaasimi jirtay. Hadda ma garanayo waxa iska kaa beddelay, laakiin mar qura ayaad xagal-wareegtay. Qaddarintii aan isku lahayn, sidaan qabo waad xoortay.Xilkii xaasnimo, sida dhabta ah waad gabtay. Xilligaad doonto ayaad baxdaa, kaad doontona waad soo gashaa. Waxaad doonto ayaad sameysaa, sidaad doontona waad u dhaqantaa, siaan kuu furo. Waan ogsoonahay dhabtii, in laygu kaa dulmiyay--sidaan kuula hadlay, oo kuugu hoos-dhigayna waad ogtahay qudhaadu-- Haddaba Cowrala, haddii aad furriinka sidaas u dooneyso oo aad sidaas dan-moodday, faraqa kuma qaban karaayo. laga billaabo goortaas saddex dalqadood oo dhammays ah, ayaad iiga furantahay. Ogoowna in aadan heli doonin, qof sidayda kuu garab-siiya. Adigiyo adduunkaaga.

Dhammaad

Warqadda sidaas ah, ayaa ay indho murugo leh oo miraayadihii ka dheceen, ku aqrisay. Hayeeshee waxa ay ilmadu kaga hoortay, warqadda dusheeda. Waa warqadda sababsatay mustaqbalkeedii oo dhan, waana tan gumeysay oo Muddulkaas xun u magan-gelisay.

*

 

Cabdisalaan-Ceeryaamo

Muqdisho, Soomaaliya


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...