Ramadaan Kariim Ummadda Reer Somaliland ( Abdi-Shotaly).
Saaka waxan halkan salaan uga dirayaa dhamaan ummadda Reer Somaliland,
aniga oo ugu tahniyaday-naaya bisha barakaysan, ugna khayrka
badan bilaha oo dhan ( Waa Bisha Ramadaane), Waxana aan leeyahay Soon
wanaagsan iyo cibaado suuban, illaah ha inagala kulmiyo, oo ha inaga
siiyo caafimaad, khayr, bash-bash, barwaaqo, ajar inoo hogaamiya
janadana, casaawa-jaluhu ha inoogu deeqo, barakadda bishan iyadda ah ee
Ramadaan. Waxan si gaar ah Ugu hambaliyey-nayaa Bishan barakaysan,
Mulkiilaah Iyo Shaqaalaha Mareegta Hadhwanaagnews iyo xaasas-koodda,
caruura-hoodda. waxa kale oo aan si la mid ah iyana ugu dirayaa
akhrista-yaasha ku kala nool caalamka daafa-hiisa, wakhti ay ku
jiraan-ba iyo meel ay ka joogaan-ba. Cismaan Gacanlaw ( IHUN) , baa ku
heesi jirey Rabadaanta " Waa bishii ugu mudnayd bilahoo, Buruud-keedda
Allaa bixyee, badhba-dhaadh-naye, waa beri soon" waa inoo cibaado.
Waxa kale oo aan idiin sheegayaa, inta bishan lagu jiro
barakaysan, in aan joojin doono qoraaladdii maalin-laha ahaa, ee aan ka
soo dayn jirey war-baahinta sidda hadhwanaagnews. iyadda oo sidaas aan
ku tallo galay, laga bilaabo beri oo taariikh-du tahay 06/05/2019,
ayaan-tuna ay tahay maalin isniin ah, hadana wixii muhiim ah, ee laga
fursan waayo, marka ay yimaadaan haddii Alle idmo, Waxan ku kulmi doonaa
war-baahintii caadiga ahayd ee aad ka akhrisan jirteen, qoraaladda aan
idiin soo gudbiyo. sidaas awgeed haddii Alle idmo, waxay inoo ahaan
doontaa Ciidda iyo wixii ka dambeeya, inaka oo dib ugu soo laabana
qoraaaladdii maalin-laha ahaa. Muwaadin inta ka horaysa, waxan idin-kaga
tegayaa, idinkoo nabad ah, iyo anaka oo nabad ah, Waa ayaamal-khayre,
illaahay-na, ha inaga qabto kuwa Dalkii iyo dadkii liqay, ee hunguriga
maxaad marisaan mooyee, wax ay maamul ka garanayaan aanu jirin, rabbi ha
jebiyo ee aamiin dhaha.
* N.B Biluu Kala Mudan, Ee Bil Khayr Dhaha.
Qore:- Abdi-shotaly
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...