Shirkada Somtel Oo Hargeysa Iyo Garoowe Ka Daah Furtay Saamiyada Shirkada Somtel+Sawiro

0
Thursday March 18, 2021 - 10:33:46 in News by
  • Visits: 2212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada Somtel Oo Hargeysa Iyo Garoowe Ka Daah Furtay Saamiyada Shirkada Somtel+Sawiro

    Shirkada Somtel Oo Hargeysa Iyo Garoowe Ka Daah Furtay Saamiyada Shirkada Somtel+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada Somtel Oo Hargeysa Iyo Garoowe Ka Daah Furtay Saamiyada Shirkada Somtel+Sawiro

Shirkadda SOMTEL, Oo Hargeysa iyo Garoowe Ka Daah-Furtay Saamiyo Ay Shirkaddu Ka Iibinayso Bulshada.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Daah-furay munaasibad ay shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL muwaadiniinta ugu oggolaatay fursad ay saamiyo ku darsan karaan shirkadda.

Munaasibaddan uu madaxweynuhu daah-furay oo ahayd mid si weyn loo agaasimay, ayaa waxa ka qaybgalay maamulka sare ee shirkadda SOMTEL, hoggaanka sare ee axsaabta qaranka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya marxaladihii kala duwanaa ee ay shirkaddu soo martay iyo muhiimadda ay leedahay fursaddan la siiyey muwaadiniinta kala duwan oo u baahan in laga faa’iidaysto.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Mudane Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, guddoomiyaha rugta ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Jamaal Caydiid, la-taliyaha madaxweynaha ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, garaad Jaamac garaad Ismaaciil, Marwa Adna Aadan Ismaaciil, Sheekhul beledka gobolka Awdal, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali-Jawhar, guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Xuseen ( Faysal Cali-waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xubno kale oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si hufan u sharraxay muhiimadda ay leedahay inay shirkaddu macaamiisheeda iyo muwaadiniinta kaleba siisay fursad iyo saamiyo cusub oo ay shirkadda kaga mid noqon karaan ku heli karaan, waxana ay shacabka ugu baaqeen inay fursaddaas cusub ee la siiyey sideeda uga faa’iidaystaan.

Mulkiilaha shirkadda SOMTEL, Mudane Maxamed Siciid Dahabshiil oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inay shirkadda SOMTEL horumar ballaadhan ku tallaabsatay, islamarkaana haysato macaamiil tiro badan oo ku qanacsan adeegyada ay bixiso, waqtiganna ay maamul ahaan go’aansadeen inay bulshada ay muddad usoo adeegayeen saamiyo ay shirkadda kaga mid noqon karaan siinayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda si rasmi ah u daah-furay, ayaa bogaadiyey dedaalka iyo naf-hurka ay shirkaddu muujisay muddadii ay jirtey, waxana uu caddeeyey inay si buuxda u dhiirrgelinayaan shirkadda SOMTEL, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Maanta halkan waxaynnu u nimi inaynu ku hambalyeyno oo ku dhiirrigelinno shirkad kamid ah shirkadaha Somaliland kuwa ugu faca-weyn leh ama ugu miisaanka weyn, weynu hambalyeynaynaa shirkadda Dahabshiil, hawlaha ay qaranka u qabatayna hadda la isu sheegi maayo.”
Ugu dambayntii waxa madasha shahaadooyinkii caddaynta ahaa lagu guddoonsiiyey shantii qof ee ugu horraysay ee ka qaybgalay saamiga ay ay macaamiisha u furtay shirkadda SOMTEL.

Dhinaca kale magaalada Garoowe ayaa lagu qabtay daah-furay saamiga la iibinayo, halka Magaalada Muqdishona Kulan loogu qabtay Saamilayda Shirkaddaas sannadkii hore saami ku darsaday Somtel Somalia.
 

No photo description available.
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of one or more people and people sitting
No photo description available.
May be an image of 1 person and text that says 'world GAROOWE HCTY HeTy HCTV somtel 1 XAFLADA DAAHFURKA SAAMIYADA SOMTEL PUNTLAND f99 @somtelpl PLTV PLTV Noqo MULKIILE #somtelpl MARTI SOOR'
May be an image of text
May be an image of text


Loading...
Loading...