Madaxwaynaha Somaliya Oo Ka Hadlay Geerida Madaxwaynaha Tansaaniya

0
Thursday March 18, 2021 - 07:59:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somaliya Oo Ka Hadlay Geerida Madaxwaynaha Tansaaniya

    Kahor inta uusan madaxweyne noqon waxaa lagu naaneysi jiray "baaldoosarka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kahor inta uusan madaxweyne noqon waxaa lagu naaneysi jiray "baaldoosarka"

Muqdisho (HWN) Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray shacabka iyo dowladda dalka Tansaaniya geerida ku timid Madaxweynihii dalkaas Mudane John Pombe Magufuli.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweyne Kuxigeenka dalkaas Marwo Suluhu Samia iyo Marwadii uu ka geeriyooday Madaxweynuhu Marwo Janet Magufuli.

 

John Pombe Magufuli, wiilka nin beeralley sabool ahaa, isla markaana noqday madaxweynaha Tanzania sanadkii 2015, ayaa geeriyooday isaga oo jira 61 sano. Waxaa mar lagu ammaanay hannaankiisii diidmada waxyaabaha uu micnodarrada u arkayay, wuxuu noqday hoggaamiye hadalladiisu ay ahaayeen kuwo muran dhaliya, gaar ahaan sidii uu uga jawaabay xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

 

Waxaa mar labaad la doortay sanadkii 2020 iyadoo ay jirtay in mucaaradku ay ku eedeynayaan ku shubasho iyo hanjabaad.

 

Kahor inta uusan madaxweyne noqon waxaa lagu naaneysi jiray "baaldoosarka” sababo la xiriira inuu horkacayay barnaamij waddooyin lagu dhisayo isagoo markaas ahaa wasiirkii shaqada, markii dambena waxaa lagu ammaanay sida uu uga soo horjeestay musuqmaasuqa iyo sida uu u necbaa khasaarinta ama beerdareynta lacagta.


Loading...
Loading...