Maxamuud Cabdi Shide "Tuur" iyo C/raxmaan Maxamuud Caydiid "Soltelco" LABA NIN OO ISKU ADEER AH (Qaybtii 5aad)

0
Sunday May 05, 2019 - 10:52:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Cabdi Shide "Tuur" iyo C/raxmaan Maxamuud Caydiid "Soltelco" LABA NIN OO ISKU ADEER AH (Qaybtii 5aad)

    Qore : Maxamed Xoosh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore : Maxamed Xoosh


قال رسول الله صلى الله عليه وسلم " خادم القوم سيدهم ، و ساقيهم آخرهم شربا "

Nabigeena CSWS wuxu yidhi ﴾ Ninka ummadiisa u adeega ama u khidmeeya ayaa u Madax ah, Ninka waraabinayaana isagaa noqda qofka ugu danbeeya ee wax caba ﴿

Sawirka madaxtinimada laga haysto wuxuu xidhiidh la leeyahay kolba inta garaadkaagu leegyahay ama aad ku baraarugsantahay arimaha Siyaasadda iyo ka Talinta aayaha ummadeed , Siyaasiyiinta qaar ayaa u haysta shacabku inuu yahay SALAAN lagu koro XILKA ama KURSIGA hadhowna halka uu ka shaqayn lahaa wixii loosoo doortay oo kala-huri lahaa baahiyaha isbiirsaday ee Muwaadiniintu leeyihiin , Markaasuun bilaabaaya inuu Dantiisa ka shaqeeyo ama TALADA ka dhigo sida ay isaga la tahay uun Sidoo kale waxa jira Nin marka uu SALAANKA fuulo Is yidhaa Xilkan waxa leh oo ku doortay dad masaakiin ah oo shilin walba halka uu kubaxaayo u baahan inay ogaadaan iyo in loo tashiilo waa siyaasiga alle ka cabsanaaya kaasi.

Inagoo barnaamijkeenii wadana aynu eegno

Muj : Maxamuud Cabdi shide

Maxamuud isaga oo aan xil uqaban ummadan hadanna in loo Adeego dadkan baahan masuuliyad gaar ah ayuu iska saaray khidmada kumuu koobin Deeqsinimo uu ku caanka ahaa balse in JAHLIGA aqooneed iyo mid arimaha Siyaasadda iyo bulshada laga dulqaado Muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ﴾ Ninka ummadiisa u adeega ama u khidmeeya ayaa u madax ah Ninka waraabinayaana isagaa noqda qofka ugu danbeeya ee wax cabba ﴿ Waxaa halkaa ka muuqda in Madaxtinimadu aanay u baahnayn in lagu soo baxo cod bulsho iyo in ay jiraan dadyawga qaarkood iskala weyn yihiin ku tagrifalka Awoodaha ilaahay siiyay ama mid dadkuba u cumaamadeen Ilaahay ha u naxariisto Mujaahidka

Halkana aynu ku eegno

Maayir : Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid

Cabdiraxmaan Isagoo ku soo baxay CODKii iyo tacabkii bulshada degan Hargeysa hadana wuxuu ka dhigtay codkaa SALAAN uu ku fuulo kursiga maayirnimada, Cabashada iga soo gaadhaysa Muwaadiniinta badan waxay ii muujisay in uu ku GUURAY Muwaadiniinta uu maayirka u yahay ee dhamaan Caasimada degan, Jawaabtu Noqon mayso maayirnimadayda ayaa la diidan yahay keliya Laakiin Jawaabtu waxay noqonaysaa FICIL iyo WAXQABAD muuqda oo ka turjuma hadal badan oo la odhan lahaa

Maxamed Xaashi Cilmi markii lagu yidhi ma xoolahaagiibaa maxaad ugu dhegantahay wuxuu ku jawaabay "Qofku wuxuu leeyahay ayuu deeqsi ku noqdaa balse Xoolaha ummada laguma noqdo deeqsi”

Anna Waxaan ku leeyahay : Cabdiraxmaanow Maayir "Shirkad ama Hanti aad gaar u leedahay ayaa sidaad doonaysid loo maamulaa Laakiin XIL iyo TALO dadka oo dhan ka dhaxeeya lama xayuubsado oo keli-talisnimo iyo MADAXTINIMO lagama dayo”

La Soco …..




[email protected]



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...