Dadka Tartiib U Socda 'Dhaqso Ayey Ugu Dhiman Karaan Coronavirus' - Cilmi Baaris

0
Thursday March 18, 2021 - 07:36:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Tartiib U Socda 'Dhaqso Ayey Ugu Dhiman Karaan Coronavirus' - Cilmi Baaris

    "Tani waa daraasaddii ugu horreysay ee muujisa in dadka socodka tartiibiya ay khatar weyn ugu jiraan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tani waa daraasaddii ugu horreysay ee muujisa in dadka socodka tartiibiya ay khatar weyn ugu jiraan"

Dadka sida tartiibta ah u socda waxay halista ku aaddan in loo dhinto cudurka Covid-19 uga dhow yihiin dadka kale, sida lagu ogaaday daraasad cusub.




Cilmi baarista ayaa lagu qeexay in qiyaas ahaan qofka socodka tartiibiya khatarta uu dhimashada fayraska ugu jiro ay afar laab ka badan tahay tan qofka aan socodka tartiibinin.


Khubarada caafimaadka ee daraasaddan sameeyay - oo fadhigoodu yahay magaalada Leicester ee dalka UK - ayaa natiijadooda kusoo gabagabeeyay in dadka tartiib u socda ee miisaankoodu uu yahay "kan caadiga ah" ay 3.75 jeer u dhow yihiin inuu cudurka waxyeelleeyo marka la barbar dhigo dadka kale.


Mashruucan cilmi baarista ah ayaa loo adeegsaday xog laga aruuriyay dad ka badan 400,000 oo dhammaantood da' dhexaad ah.


Prof Tom Yates oo hoggaaminayay daraasadda ayaa sheegay in xogta ay dadka kasoo gudbiyeen sida uu socodkooda yahay loo adeegsan karo in lagu ogaado xaddiga halista uu qofkaas ugu jiro fayraska.


Daraasaddan, oo uu fuliyay Macadka Caafimaadka Qaran ee NIHR, ayaa lagu saleeyay isbarbardhig ku saabsan miisaanka jirka qofka iyo socodkiisa, kaddibna waxaa la eegay sida uu qofkaas ugu dhow yahay inuu ku dhaco cudurka oo si xad dhaaf ah u qabta, islamarkaana uu ugu dhiman karo.


Wuxuu xarunta lagu soo aruuriyay macluumaadka 412,596 qof oo ku jiray keydka xogta dadweynaha ee UK.


Waa kee socodka tartiibta ah?

Socodka tartiibta ah ayaa lagu tilmaamay inuu yahay midka qofka uu wax ka yar saddex meyl (oo u dhigma 4.8km) ku socon karo hal saac gudaheed.


Socodka caadiga ah wuxuu qofka halkii saac ku jari karaa afar meyl ama 6.8km. Socod boobsiiska ayaa isagana qofku wuxuu saacaddiiba ku gaari karaa meel u jirta in ka badan afar meyl.


Cilmi baareyaasha waxay sidoo kale ogaadeen in dadka tartiib u socda ay qaadista nooca ugu culus ee Covid-19 uga dhow yihiin dadka socod boobsiiska sameeya 2.5 jeer ka badan.


Halista waxay aad ugu sii badan tahay dadka miisaankoodu caadiga yahay ee socodka tartiibiya iyo waliba kuwa cayilan ee aayar u socda.


Hase yeeshee, khubaradu waxay sheegeen in xogta socodka ee ay dadka soo gudbiyeen ay noqon karto mid aysan sidii saxda ahayd usoo gudbinin, sidaas darteedna daraasaddan aysan ahayn natiijo kama dambeys ah.


Prof Yates, oo ah khabiir ku takhasusay howlaha jimicsiga dadka, cilmiga caafimaadkana ka dhiga jaamacadda Leicester, ayaa yidhi: "Horay waxaan usii ogeyn in dadka cayilan iyo kuwa tabarta daran ay halis gaar ah ugu jiraan cudurka Covid-19."


"Tani waa daraasaddii ugu horreysay ee muujisa in dadka socodka tartiibiya ay khatar weyn ugu jiraan qaadista fayraska corona iyo inay si daran ula xanuunsadaan, iyadoo aan loo eegeynin miisaankooda."


Wuxuu sheegay in daraasad kale oo hadda cilmi baaristeeda la wado lagu soo bandhigi doono macluumaad dheeraad ah oo la xiriira sida ay dadka ugu kala halis badan yihiin cudurka saf marka ah.


Daraasaddan ku saabsan socodka ayaa lagu daabacay wargeyska caalamiga ah ee ka faallooda arrimaha ku saabsan cayilka dadka.


BBC


Loading...
Loading...