Wakhtigii Xisbiyada Laga Doonayey Inay Soo Gudbiyaan Liisaska Musharixiinta Oo Maanta Ku Eeg

0
Wednesday March 17, 2021 - 11:05:06 in News by
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakhtigii Xisbiyada Laga Doonayey Inay Soo Gudbiyaan Liisaska Musharixiinta Oo Maanta Ku Eeg

    Wakhtigii Xisbiyada Laga Doonayey Inay Soo Gudbiyaan Liisaska Musharixiinta Oo Maanta Ku Eeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakhtigii Xisbiyada Laga Doonayey Inay Soo Gudbiyaan Liisaska Musharixiinta Oo Maanta Ku Eeg


Hargeysa(HWN):-Wakhtigii ay Komishanka doorashooyinka Somaliland u qabteen in saddexda Xisbi ku soo gudbiyaan Liisaska Murrashaxiintooda Goleyaasha Deegaannada Dalka, ayaa ku eeg maanta oo arbaca ah, bishuna tahay 17 March.
May be an image of text



Qoraal war gelin ah oo ay Komishankanku soo saareen 13-kii bishan ayey Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID kaga codsadeen in ay ugu dambayn 17 bishan oo maanta ku beegan ay ku soo gudbiyaan liisaska Murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka.

Liisaskan murrashaxiinta Goleyaasha deegaanka ee Xisbiyada laga sugayo maanta, ayaa waxa sidoo kale laga codsaday in loo soo dhammeeyo shuruudaha xeerka doorashooyinku waajibiyey ee laga rabo.

Maanta lixda galabnimo ayaa ah wakhtiga ugu dambeeya ee ay Guddida doorashadu sheegeen in ay qaban doonaan Liisaska.

Xeerka Guud ee Doorashooyinka ayaa waxa uu dhigayaa in Xisbiyadu Liisaska Murrashaxiintooda Goleyaasha Deegaanka ay gudbiyaan 75 maalmood ka hor wakhtiga ay doorashadu dhacayso.

Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID, ayaa weli ku mashquulsan geba gebaynta Liisaska laga sugayo, iyada oo maanta la filayo in ay gudbiyaan Murrashaxiintooda Goleyaasha Deegaanka.

Loading...
Loading...