Talaalka Covid-19 Ee Somaliland La Soo Gaadhsiiyey Yaa Soo Diray?

0
Wednesday March 17, 2021 - 10:11:57 in News by
  • Visits: 1951
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Talaalka Covid-19 Ee Somaliland La Soo Gaadhsiiyey Yaa Soo Diray?

    Talaalka Covid-19 Ee Somaliland La Soo Gaadhsiiyey Yaa Soo Diray?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaalka Covid-19 Ee Somaliland La Soo Gaadhsiiyey Yaa Soo Diray?

Somalia Oo Isu Soo Dhaafinaysa Somaliland 65 kun doses ka mid ah 300, 000 oo ah Tallaalka COVID19-ka ah.
No description available.


65 kun doses oo ka mid ah 300, 000 kun oo ah tallaalka Cudurka halista badan ee COVID19, oo loogu deeqay Somaliland iyo Somalia, ayaa la filayaa inuu soo gaadho maalinta berri ah Magaalada Hargeysa, kaas oo laga soo qaadi doono dhinaca Muqdisho oo uu maanta gaadhay.

Tallaalkan cudurka COVID19, oo gaadhaya 300 kun oo loogu deeqay Somalia oo ay Somaliland-na ku jirto, ayaa waxa ugu deeqay xarunta caalmiga ah COVAX, taasoo soo marisay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hay'adda WHO.

Warar xogogaal ah oo uu helay Wargeyska Saxansaxo, ayaa tibaaxay in deeqdan Tallaalka ah in ay Somalia ay u qorshaysay in 65 kun ka mid ah 300 kun ee maanta Muqdisho gaadhay in loo soo qaado Somaliland, iyada oo la filayo in Berri ay Madaarka ka soo dejiso Diyaaradda ay leedahay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Tallaalkan Cudurka COVID19, ayaa qorshuhu yahay in la siiyo wejiga hore dadka safka hore kaga jira la dagaalanka Cudurkan, sida shaqaalaha Caafimaadka, Dadka ka shaqeeya baadhista dadka iyo dadka kale ee nugul.

Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland, ayaa dhawaan sheegay in Tallaalka cudurka corunuhu uu dhawaan soo gaadhi doono.

Loading...
Loading...