Muuse Biixi Oo Fara Madhan Ka Jooga Taageeradii Beesha Bariga Burco Iyo Sababta Uu Ku Waayey

0
Wednesday March 17, 2021 - 09:56:00 in News by
  • Visits: 2182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Fara Madhan Ka Jooga Taageeradii Beesha Bariga Burco Iyo Sababta Uu Ku Waayey

    Muuse Biixi Oo Fara Madhan Ka Jooga Taageeradii Beesha Bariga Burco Iyo Sababta Uu Ku Waayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Fara Madhan Ka Jooga Taageeradii Beesha Bariga Burco Iyo Sababta Uu Ku Waayey

Hargeysa(HWN):-Shaacinta Liiska Murrashaxiinta KULMIYE Ee Burco Oo Bannaanka U Soo Saartay In Masuuliyiinta Xukuumadda Ee Bariga Burco Faro Madhnaan Ka Joogaan Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan qaarkood.
Safarka Kornayl Muuse Biixi Ku Tagayo Wadanka Kenya Ma Sababi Doonaa In Jaadka Miirooga La Keeno Somaliland?



Xisbiga Kulmiye, ayaa shaaciyey liiska murrashaxiintiisa ka qayb galaysa doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco.

Shaacinta Liiskan murrashaxiinta, ayaa bannaanka u soo saaray waxyaabi badan oo huursanaa muddadii ay socotay xulista Murrashaxiinta Kulmiye ee gobolkaasi, taas oo loollan adag uu ka dhacay.

Xisbiga Kulmiye oo sannadkan jewi siyaasaddeed ka duwan kii uu kala kulmi jiray kala kulmay Gobolka Togdheer, gaar ahaan Bariga Burco, ayaa waxa ay baahinta liiska murrashaxiintani bannaanka u soo saaray in dadkii sharaxnaa ee ay wateen Beelahoodu badankoodu iska sharaxeen laba Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID, taas oo muujisay isbeddelka siyaasaddeed ee deegaankaas ka jira, madaama oo hore Xisbigaasi u ahaa ka kowaad ee ay iska sharaxaan.

Inkasta oo ay Beelaha qaarkood iska sharaxeen Kulmiye, haddana beello badan oo cod badan leh, ayaa u wareegay dhinaca Mucaaradka, taas oo jaahwareer siyaasaddeed iyo filan-waa ku riday Masuuliyiinta Xukuumadda ee KULMIYE u qaabilsanayd xulista Murrashaxiinta, markii ay Beelahoodu u sheegeen in ay Xisbiga ay doonaan ee ay dantoodu ku jiro ay geyn doonaan Murrashaxiintooda.

Masuuliyiinta xukuumadda ee u xil saarnaa xulista murrashaxiinta, waxa ay caqabad kala kulmeen Beelahooda, taas oo qorshahoodii xulista kala dhantaashay, iyaga oo waxyaabihii ay la kulmeen weji gabax siyaasaddeed ku ahaa kaga jawaabay, in qaarkood warbaahinta la hadlaan oo eedeeyaan Siyaasiyiin Kulmiye ka tirsan oo ay ku eedeeyaan in ay murrashaxiintii geeyeen Xisbiyada Mucaaradka.

Masuuliyiintan, oo ka baqaya in duruufta siyaasaddeed ee kala kulmeen deegaankoodu in ay saameyn ku yeelato xilalkooda iyo meeqaankooda siyaasaddeed, waxa ay dejiyeen qorshe ay iyagu ku soo xulayaan Murrashaxiin ay wataan oo aan taageero ka haysan deegaannadooda, kuwaas oo ujeeddadu tahay in ay kula dagaalamaan Murrashaxiinta Beelahoodu geeyeen Xisbiyada Mucaaradka ah.

Sidoo kale, waxyaabaha ka soo muuqtay liiskan waxa ka mid ahaa in laga tegay Murrashaxiin taageerayaal badan watay oo Xisbigaasi hore u aqbalay, qaarkoodna lacagtii ay shubeen, waxa iyagu is casilay Murrashaxiin Beelahoodu wataan, kuwaas oo shaki ka muujiyey in laga saaro Liiska Murrashaxiinta Kulmiye, kuwaas oo isla maanta tegay Waddani.

Si kastaba ha ahaatee, Caqabadaha kulmiye ka soo wajahay Togdheer, ayaa loo aanaynayaa mid siyaasaddeed oo wakhtigan muujinaya in aanay taageeradii ay hore ugu hayeen aanay imika u hayn, dadka masuuliyiinta ah ee hawsha xulista loo diray oo ahaa kuwo aan miisaan culus ku lahayn deegaanka, Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee isla deegaankaas oo saameyn ku yeeshay Beelahooda murrashaxiin badana geeyey Xisbiyadooda iyo weliba doorkii Guddoomiye kuxigeenka Kulmiye ahna Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin oo meesha ka maqnaa, madaama xaaladda caafimaad dalka uga maqan yahay
Xigasho Wargeyska Saxansaxo.

 
 

Loading...
Loading...