Go'aano Ay Wada Gaareen Madaxweyne Qoor Qoor Iyo Musharaxiinta SAWIRO

0
Wednesday March 17, 2021 - 09:20:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go'aano Ay Wada Gaareen Madaxweyne Qoor Qoor Iyo Musharaxiinta SAWIRO

    Kulankaan waxaa ka soo muuqday mas'uuliyiin ay ka mid yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankaan waxaa ka soo muuqday mas'uuliyiin ay ka mid yihiin



Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Facebookga ee madaxtooyada Galmudug ayaa lagu shaaciyey in madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu xalay kulan casho sharaf ah ku casuumay xubnaha golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa xalay ka dhacay hooyga uu Madaxweyne Qoor Qoor ka degan yahay magaalada Muqdisho.

 

"Madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho caawa casho sharaf ugu sameeyey midawga musharixiinta xilka madaxtinimo ee dalka,” ayaa lagu yiri.

 

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Kulanka ayaa wuxuu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arinsanayo arimaha doorashooyinka. Waxaa sidoo kale ka qeybgalaya madaxweynaha DG Hirshabelle Cali Guudlaawe.”

 

Kulankaan waxaa ka soo muuqday mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Xasan Sheekh, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe xubno kale.

 

Kulanka uu xalay Qoor Qoor ku casuumay musharaxiintan waxuu ku soo aadayaa iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka doorashada Soomaaliya, sidoo kalena aan weli lagu guuleysan inay shir isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

 

Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib safar qaatay maalmo oo dalka Turkiga uu ku joogay, waxaana weli Turkiga ku maqan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

May be an image of one or more people, people sitting and indoor

May be an image of one or more people, people sitting, suit and indoor
May be an image of 1 person and indoor
May be an image of 1 person and indoor

Loading...
Loading...