Saddex Abwaan iyo Saddexdoodii Meeris ... Q1aad

0
Tuesday March 16, 2021 - 09:28:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Abwaan iyo Saddexdoodii Meeris ... Q1aad

    W/Q: Cabdi Muxumed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdi Muxumed.

Haddii aad haraad bastaa tahay waxaa maskaxdadda ku soo degdegaya waa biyo oo ah kuwa nolosha aadamaha u ah halbowlaha ee aanu noole la’aantood noolaan karin, iska daa noole xitaa dhirtu aanay cagaari karin ama bixi karin inkastoo ay iyaba noole tahay. Waana halka ay u dhimatay oo aan odhan karo dadka inta ka heestay ama ka gabayday waa ay badan yihiin laakiin qaabka uu Xuseen Aw-Faarax uga heesay waa qaab ka duwan halka gabyaaga ama mu’alifiinta kale mareen, waa si aanay maskaxdda aadamuhu keeni karin ama si fudud u heli Karin.

 

Xuseen Aw-Faarax Dubbad waxa uu ka mid yahay 10ka abwaan ee soomali yeelatay casrigan horseedna ka noqday fanka soomaalidda, haddiiba aanu ahayn ka ugu horreeya ruwaayaddo samaynta casrigga ah iyo xeeldheeridda unkidda erayadda layaabka leh. Bal aan soo qaato "Wabiyo isku ooman” oo ah hees jacayl ah oo ay ku luuqayso Xaliima Khaliif "Magool” taasi oo ka mid ahayd heesihii keli kelida ahaa ee Xuseen unkay mid ka mida haddiiba aanay ahayn ta la odhan karo waa ay ugu qiimo badan tahay Heesta oo aad layaab u leh oo aad is odhanyasa abwaanku halkuu ka doonay erayadda odhanaya sidan? Heesta oo dheer haddii aan tuducyo ka soo dheegto waxay odhanaysaa:

Jacayl waa wadkaagoo

Warmo kuu afaystoo

Sun uu kuu walaaquu

Weel kuugu shubayaa

Dadka wali hor jooggaa

Wuxuu dilay u sababoo

Qiyaamaha la waydiin

 

Wabiyo isu oomani

Inay wacatameenoo

Waayo badan is dooneen

In loo kala waramamayoo

Wacdi laysu sheegiyo

Waano lagala quustay

Goortay is waayeen

Isu waalan gaadheen

Waligiin ma maqasheen?

 

Wax ku qaadan maysaan

Wacdaraha Adduunkee

Waydiiya Culimadda

 

Inay weer xidheenoo

Biyihii wayraxeenoo

Waddamo isu jiidheen

In la waabin waayoo

Iyagoo wareer qaba

Isu soo wareegeen

Oo wanaag kalgacaloo

Wehel isu yimaadeen

Waligiin ma maqasheen?

 

Wax ku qaadan maysaan

Wacdaraha Adduunka

Waydiiya Culumaddaa

 

Inuu caashaq wadayoo

Is waraabiyeenoo

Xarreeddii wadaageen

Inay wehel is jeceloo

Wadnaha isu dhiibtayoo

Wada jira noqdeenoo

Waddo qudha mareenoo

Kala weecan waayeen

Waligiin ma maqasheen?

 

Wax ku qaadan maysaan

Wacdaraha adduunkee

Waydiyaa culimadda

 

Heestaa aan kor ku soo xusay ee Wabiyo Isku Ooman oo erayadeeda unkay Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubbad ayaa ka mid ah kuwa ugu mudan heesaha casriga ah ee caashaqa taabanaya. Qofna isma lahayn waxaad maqli hees ay labo biyo xanbaarsani isku oomeen. Waad garan kartaa oon ama surmi ama haraad waa biyo la’aan iyo baahi laga cawdu-bilaysto oo aad u daran, nolosha soomaaliddana waad maqashay halka abaar iyo  biyo la’aan ay kala joogaan iyo inta ay noloshoodda ku soo noqnoqotay. Cid ka saartana wali ma ay helin oo Eebe uma soo dirin, taas oo sababtay in intaas oo jeer ay xaaqeen abaaro sida: Harga-cuna, Hawaara, Xaaraame-cuna, Jiitama, Daba-dheer iyo kuwo la mid ah.

Haddaba haddii abaar iyo biyo isla doono uu maskaxdaadda uu ku soo dhacayo abwaan Xuseen Aw-faarax Dubbad dhanka kale oo aanad waligaa ka fikirin kana fikirteen inta adduunku dhisan yahay ayuu u kacay oo waa goorma? Waa mar uu socdaal ku tagay dalka Suudaan dabadeedna uu booqday halka ay iskaga darsamaan labada Webi ee Nile-ka Cad iyo Nile-ka Buluugga ah. Halkaas marka uu taagan yahay weeye marka ay ku soo dhacayso eraydan layaabka leh ee Webiyo isku Ooman. Waa laba webi ee xaggee haraab u soo maray haddiiba ay yihiin kuwo biyo ka fatahayaan? Waa yaabka Xuseen iyo unkida erayo Webiyo isku Ooman oo isku soo  jiidhay waddamo iskuna soo wareegaya, aakhirkana ku kulmay abartaa ay isku darsameen. Haddaba haddii aad uun taqaanay harraad iyo biyo markan waa biyihii lagu oon baxay oo isku Oomay ee bal ma haysaa Xuseen Aw-faarax Dubbad hortii cid isku toshay haraad iyo kuwii xanbaarsanaa biyahii lagu jeel bixi lahaa oo laftooddii isku oomay? Jawaabtu waa maya. Heestaasina waa heestaa uu kugu baray Webiyo isku Ooman, codkii Xaliima Khaliif Magool iyo laxankii mulaxamiiste Al ustaad Macallin Xasan Guure Afrax "Greed”. Halkaana waa mid ka mida maqaalkan saddex abwaan iyo sadexdooddii tuduc Xuseena waxaan loox ugu Daabacay ama ugu duugay Webiyo isku ooman

 

Cismaan Aadan Xuseen oo ka mida ah hormuudkii Waaberi iyo kooxdii militariga ee isku darkooddii laga unkay kooxdan caan baxday ee Waabari oo mudo dheer ka mid ahaa madaxdoodda iyo abwaaniintoodda lahaana magac bixinta Waberi kana mid ahaa Foolaadkoodda safka hore, kaasi oo lahaa suugaan gooni ah oo aan halkan lagu soo koobi karin iyo ruwaayaddo aan ka xusi karo Maanta iyo Fadhi aa? Wadhaf iyo Shinbiro War iskuma Hayaan oo ahayd laba qaybood, Wed iyo Wacad oo uu abwaanku ka unkay Jacaylkii banaa Faadumo iyo Xaydar oo reer Saylac ahaa laba ruux oo aan Alle iskugu darin calaf iyo inay nolol wadaagaan kuwaasi oo kala geeriyooday ka hor intii aanay nolol wadaagin. haddaba abwaan Cismaan. Waxaan halkan ku soo qaadan doonaa heestiisa Qofka ka ugu il Dheer Baa, Dadka ugu Ayaan Daran. Bal u fiirso, waxaanay odhanaysaa sidan:

Horta yaa Awoodda leh? Ilaahay

Yaa Abuurideena leh? Ilaahay 

Ajasheena yaa jara? Ilaahay

Haddii aan Islaam nahay

Asluubtiyo xishoodkiyo

Ehelkii is jeclaa iyo

Alle ka cabsigii mee?

Sida aan eegga nahay

Haddaan la ina arjumin

Ayaan baynu leenahay

Istaakhfurula dhaha yeey

 

Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey

Ninka ugu il dheer baa

dadka ugu daran ayaan daran

Waxaan lala arkayn baa

isaguun u muuqdee

Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey

 

Yaa adduunyo bixin kara? Ilaahay

Yaa arwaax wax siin kara? Ilaahay

Qofna Eber ka dhigi kara? Ilaahay

 

Sidii oon Arsaaqadda

inagu qaybinaynaan

Aflagaado iyo eed

Aakhiro ku seegnee



Lasoco Qaybta Labaad

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...