Maxaa keenay in Kenya ay hal maalin ka hor ay sheegto in ay ka baxday dacwadda Badda?

0
Monday March 15, 2021 - 10:10:51 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa keenay in Kenya ay hal maalin ka hor ay sheegto in ay ka baxday dacwadda Badda?

    Goaanka Maxkamadda uga yaala Labada dhinac haduu mid ka mida ka noqdo ama ka tanazulo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goaanka Maxkamadda uga yaala Labada dhinac haduu mid ka mida ka noqdo ama ka tanazulo


21 Xaqiiq oo Ku Tusinaya Sooyaalka Dheer ee Dacwada Badda Soomaaliya iyo Kenya – Goobjoog News

Dowladda Kenya ayaa ka baxday kiiska dacawadda badda ee kala dhaxeeyay dawlada Soomaaliya, ayadoo waliba la filayey in maanta oo ku aadan 15ka marso, lana filayay indhageysigiisa ka billowdo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

 

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray inuu arkay dokumenti ay Kenya u dirtay maxkamadda kuna wargelisay inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga dacwadda, kadib markii hore ay maxkamadda u diiday codsiga Kenya ee ahaa in dib loo dhigo.

 

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in maxkamadda uu u diray codsi ah in isaga loo ogolaado in 30 daqiiqo uu warbixin siiyo garsoorayaasha maxkamadda kahor inta aysan bilaaban dhageysiga dacwadda, balse maxkamaddu ayuu ku eedeeyey in wali aysan kasoo jawaabin codsigiisa.

 

Sababaabaha ay sheegtatay in ay ku diiday ka qabgalka dacwadda waxaa ka mid ah:

In habka dacwada loo qaadayo uu yahay mid qald ah oo waxay yirahdeen dacwad noocan oo kale

In ay Maxkamaddu go’aansato in ay Ikhtisaas u leedahay ka garnaqista dacwadda hortaallo.

 

Ikhisaaska Maxkamadda iyo awoodeeda ka garnaqista horay ayaa Maxkamaddu Go,aan uga gaartay, Maxkamaddu waxay caddaysay in ay awood u leedahay ka garnaqista dacwadda.

 

In aan la siin fursad ay isku difaacdo, hase ahaatee waxa wada ognahay in illaa afar jeer oo hore ay cod sadeen dib u dhig, Maxkamadduna way aqbashay codsigaa, Dhowr sano kadib see maangal ku ku noqoneysaa in mar shanaad kiiska dib loo dhigo.

 

Goaanka Maxkamadda uga yaala Labada dhinac haduu mid ka mida ka noqdo ama ka tanazulo xuquuqdisa ama uu is difaaci waayo:

 

Madaama dacwadaha madaniga inta badan looga hadlo xuquuq, dhinacyada waxaa u bannaan inaysan ka qayb galin oo uu difaaca ka tanaazulo, xaq ayayna u yeelanayaa dhinacyada arinkaa.

 

Qodobka 53(1) ee Xeerka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa qaba " markii mid ka mid ah dhinacyada dacwada ka dhaxayso uuna soo xaadirin maxkamadda, ama uu ku guuldarraysto in uu difaacdo kiiska, dhinaca kale waxa uu Maxkamadda ka codsan karaa in ay kiiska u xukunto, Marka la helo laba shardi:

 

Dhinaca kale ee jooga Maxkamadda waa in ay codsadaan in dacwaddu socoto go’aanna laga soo saaro.

 

In ay maxkamadu go’aansato in ikhtisaas u lee dahay kiiska, Awoodaana Maxkamaddu waa leedahay oo ay go’aan ku soo saarto.

 

Sida uu qabo Qodobka 53 faqradiisa 1aad ee xeerka maxkamadda Cadaaladda Soomaliya waxay xaq u lee dahay in loo xukumo Badda maaddaama dhinici kale kasoo qeyb geli waayay dacwadda waase haddii Soomaaliya dalbato in kiiska go’aan laga gaaro.

Arinta ku saabsan duritaanka A/qawi oo ay dureen dowladda Kenya, Kuma saxsana, sida caadiga ahna garsooraha waa la duri karaa, Asbaabaha garsooraha lagu duri karo way adan yihiin qodobka 16/17 /24aad ee sharciga lagu dhisay maxkamadda ICJayaa sheegaya, oo ay ka mid tahay in garsooruhu hore qareen u ahaa, Balse duridu ka mid ma aha in uu wadanka ka dacwada dhinaca ka aha uu ka dhashay.

 

Ma cadda hadda go’aanka ay maxkamadda qaadan doonto, inay mar kale kiiska dib u dhigi doonto, iyo inay dhageysiga guda geli doonto ayada oo aanay qeyb ka aheyn Kenya.

 

Sida sharciga caalamiga ah uu qabo Soomaaliya waxay xaq u leedahay in loo xukumo Badda Hadii ay cadeyso lahaashaha goobta muranku ka taagan yahay, maaddaama dhinici kale ka soo qeyb geli waayay dacwadda waase haddii Soomaaliya dalbato in Waxeeda loo xukumo.

 

Sharciyaqaanada filashadooda ayaa ah in Maxkamaddu dacwadu gasho sababtoo ah dhowr jeeroo horaa dacwada dib loodhigay.

 

W/Q: Abukaate A/rahmaan Dahir Sulub


Loading...
Loading...