Taariikhdii Somaliland 1992-1996 Qore Mukhtar Cilmi Qaybta 1aad
Bismilaahi alraxmaan alraxiim
Xukuumadihii soo maray Somaliland tii ugu horeysay ee uu madaxwaynaha ka ahaa AHN Cabdiraxman Axmed Cali kooxda ugu mitidsanayd muxaafidka waxa lagu naanaysi jiray " shiish". Kooxdaa waxa bartimaameed u ahayd kooxdii kale ee iyaga Baligubadle lagaga soo adkaaday ee lagu naanaysi jiray" Khaakhda" oo u badnayd kooxdii loo aqoon jiray Calan cas oo ay sanadihii dambe ee gudoomiye nimadii Axmed Silanyo ee SNM ay is bahaysteen kuwo kale oo xataa qaarkood ay ka tirsanaan jireen kooxdii wadaadada aan ahayn suufiyada.
Markii dalka la soo galay waatii shirkii Burco xukuumadii lagu soo dhisay ay markii ba la kulantay mucaaridad dardarteeda qabta iyada oo runtii wax la mucaaridaa aanay markaa weli dhismin. Mitidnimadii guulwadaysnayd ee Shiishta oo muxaafid ahayd iyo macangag nimadii Khaakhda oo mucaaridaysnayd ayaa loo nisbayn karayay ama wax badana laga saari saarayay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka sanadkii 1992kii berbera.
Dagaalkaas wuxu bilaambay 14/4/1992 magaalada berbera ciidamada habar awal iyo habar jeclo ay soo weererin beesha habaryoonis, dagaalkaas wuxu socda mudoo 5 habeen magaalada gudaheeda iyadoo ay yimaaden ciidamo habaryoonis ceerigaabo oo xaga bariga berbera kasoo galin oo ay jabiyeen ciidamadii habar jeclo , dagaalka wuuxu ka dhacy xagal iyo badtalaale halkaas khasaaro balaadhan kasoo gaadhay beesha habarjeclo dhimashadu 5 taa habeen u socday dagaalku:
Habarjeclo 56 dhimasho 97 dhaawac iyo 5 gaadhi laga qaatay.
Habaryoonis 19 dhimasho 41 dhaawac .
Kadib ciidamada habarjeclo marka laga saaray berbera waxay ku hadhay ciidankii habar awal u watay dhagaweyn iyo habaryoonis waxanaa loo bixiyey dagaalkaas (dagaalkii dekada), 5 habeen ayuu socday waxaana ku guulaysatay habaryoonis oo dekadii iyo magaaladii ba la wareegtay min 1992 ila 1994, waxaana ciidamadii dhagaweyne u baxayen dhanka buuraha oo berbera ay ka baxayen , khasaarooyinka:
Habar awal 89 dhimasho iyo 144 dhaawac iyo 12 gaadhi laga qaatay
Habaryoonis 24 dhimasho iyo 52 dhaawac e gaadhi ka gubtay.
Dagalaakaas kadib waxa laso diyaarinayay shirkii borama oo in ay la gaboojiyo xaalada berbera oo waan waan lala galo ciidamada habaryoonis.
Khilaafkii wakhtigaasi iyo dagaaladii ka dhashay ay kow ka ahaa arimihii sababay Shirwaynihii Beelaha Somaliland ee lagu qabtay Borame 26/2/1993kii. Shirwaynaha Borame wuxu keenay laba axdi oo dhamays tiran kii nabadda iyo kii qaranka. Marka aad sidaa u eegto wuxu ahaa shir la mahadiyay. Lakiin wuxu lahaa waji kale oo xun. Madaxwaynihii lagu doortay Borame cigaal eh xukuumadii ugu horeysay uu dhisay waxay noqotay mid dhinac ka raran.
Marxuunku Muu tixgelin duruufihii keenay shirwaynihii Borame iyo xataa niyad wanaagii madaxwaynihii ka horeeyay cabdiraxmaan tuur oo hadii aanu isagu ogolaan inu xilka ku wareejiyo 150kii oday ee ergada Shirwaynihii Borame Somaliland meel dheer laga dooni lahaa.
La soco qaybta 2aad ee silsiladan taariikhaysan.
W/Q: Mukhtar Cilmi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!