Cabdillaahi Cukuse waa Siyaasi Buuxa oo Qaranku u Baahan Yahay….Siciid Cawil

0
Sunday May 05, 2019 - 04:04:44 in Articles by A. Asbaro
  • Visits: 1248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdillaahi Cukuse waa Siyaasi Buuxa oo Qaranku u Baahan Yahay….Siciid Cawil

    Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waa siyaasi ruug-caddaaya oo 28 sannadoodkii ee Somaliland jirtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waa siyaasi ruug-caddaaya oo 28 sannadoodkii ee Somaliland jirtay

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waa siyaasi ruug-caddaaya oo 28 sannadoodkii ee Somaliland jirtay kaalin firfircoon oo muuqata kaga jiray Siyaasaddihii kala danbeeyay ee jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, Cabdillaahi Cukuse waxa uu la soo shaqeeyay shanti Madaxweyne ee Somaliland soo maray afar ka mida oo uu ugu danbeeyay Madaxweyne Siilaanyo oo uu ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somalilland, waxaannu sidoo kale soo qabtay Afhayeenka Madaxweynaha, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta.

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waa siyaasi furfuran oo hadal cad, waa nin lagu yaqaan inaanu ka gaban waxa uu aaminsan yahay ee si cad oo sarreexad leh u sheega, unna soo bandhiga, waa shaqsi ku adag jiritaanka iyo difaaca qaddiyadda Somaliland marka ay timaado, waa siyaasi ku wanaagsan fagaarayaasha doodda oo aan hadalka laga jebin. Cabdillaahi Cukuse waxa uu ka mid yahay shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee marka khilaaf siyaasaddeed dalka soo waajaho loo dheg-taago rayigoodda iyo furdaamintoodda.

Waxaan aad iyo aad u bogaadinaya sxb-kay C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo goor dhawayd ka soo dagay madaarka hargaysa ee cigaal inter-national airport waxaan leeyahay soo dhawow sxb waayo waa raggii wadanku u baahnaa ee illaahay xikmada iyo af-tahanimada iyo taariikh-yahanimada hibbo u siiyay ee run sheega odhaah-diisana geesi ku ah hadii uu kula socdo iyo hadii uu kaa soo hor-jeedaba waxaan rumanysanahay intii uu maqnaa inuu ka shaqaynayay isu jiidka dadka iyo midnimada guud iyago kala afkaar ah waa nin jecel inaan wax kastoo lakala aaminsan yahay hadana lagu kala tagin si aanay meesha uga bixin waxa guud ee inna kulminaya dhamaanteen waxaan lee yahay illaahay garashada wanaagsan ha kuu barakeeyo dalkaa kuu baahane soo dhawow sxb.

Siciid Cawil Ahmed Xajiin

Hargeisa, Somaliland


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...