Ethiopia Doorashooyinka Mudeysan Bisha June 2021 Miyey Suuragal Yihiin In Ay Dhacaan , Mase Noqon Karaan Qaar Xor Iyo Xalaal Ah ?

0
Sunday March 14, 2021 - 08:19:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia Doorashooyinka Mudeysan Bisha June 2021 Miyey Suuragal Yihiin In Ay Dhacaan , Mase Noqon Karaan Qaar Xor Iyo Xalaal Ah ?

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama
Dalka Ethiopia oo ay doorashooyinkiisu mudeysnaayeen bisha Aug 2020 ayaa dib loo dhigay sababo uu keenay xanuunka #Corronavirus , arinkaasi oo ay qaadaceen Gobolka waqooyiga ee qoomiyada Tigray , waxaanay qabteen doorashadii Golaha wakiilada Dadweynaha ee Gobolka Tigray , taasi oo keentay in ay dawlada federalka Ethiopia ay sheegtay in aanay aqoonsanayn.

Waxa xigtay in uu baarlamaanka dawlada federalka Ethiopia joojiyey gabi ahaanba wada shaqeynta maamulka sare ee Gobolka Tigray oo iyagu sheegay in aanay aqoonsanayn Raisal Abiy Ahmed ilaa uu qabto doorashooyin , waxaana ay dawlada Ethiopia isku raacday in wada shaqeynta laga jaro madaxda maamulkaasi laakiin maamulada hoose iyo adeegyada dadweynuhu sidoodii ahaadaan.


Arimahani waxa ay dhaliyeen dagaal qadhaadh oo lagu hoobtay oo ka dhacay Gobolka Waqooyi ee Ethiopia, oo ay dawlada Ethiopia ku qaaday weerar barakiciyey malaayiin dad ah , boqolaal kun ay ka talaabeen xuduudaha oo ay galeen dalka Sudan , kumayaal dad ahi ay ku dhinteen oo aan waxba galabsan hawlgaladii ka dhacay Mekelle iyo Gobolka waqooyi ee Tigray waxa taladii laga Xoog iyo dagaal lagaga

Ilaa iyo intii uu Raisal wasaaraha Ethiopia dalkaasi qabsaday sanadkii 2018 ayaa aanay isku wanaagsanayn xukuumada Abiy Ahmed iyo qoomiyada Tigray , arimahaasi waxa keenay markii saraakiil badan iyo madaxdii xukuumadii hore lagu eedeeyey tacadiyo badan, arimo musuq-maasuq iwm oo gabi ahaanba xilalka sare ee dawlada federalka laga dhameeyey iyo waliba go'aankii uu Abiy Ahmed ka qaatay Badhame xuduudka Erateria iyo Ethiopia oo ay u arkeen in dhulkoogii ay ku dagaalamayeen mudada badan si dhib yar la isaga bixiyey.

Qoomiyada Tigray waa jabhadii dalka Ethiopia ka xoreysay dawladii Dhergiga, waxaana ay la midoobeen ODP oo ah Oromo democratic Party oo iyaguna ka soo horjeeday nidaamkaasi dhergiga , sidaasi oo kale ayaa ayey jireen qoomiyada Ahmara oo laftoodu ka soo horjeeday Dhergigii oo sameystay xisbiga Ahmara Democratic party ADP iyo xisbiga ay lahaayeen qoomiyadaha shucuubta koonfureed ee SEPDM iyo xisbiga Tigray TPLF ayaa sameystay isbahaysigii dalka Ethiopia ka talinayey mudada dheer ee EPRDF.

Markii uu geeriyooday Raisal wasaarihii awooda badnaa ee dalka Ethiopia Malez zenawi waxaa loo dhiibay Haeila mariam desalem oo ka soo jeeda shucuubta koonfureed iyo xisbiga SEPDM , si uu u dhameystiro mudada u hadhsanayd malez zenawi, waxaana sii xoogesystay kacdoono ay qoomiyada Oromadu bilaabeen, kaasi oo uu u sameeyey isku shaandhayn masuuliyiinta dawlada waxaana la magacaabay madax badan oo ka soo jeeda qoomiyada oromada si uu u damo kacdoonku.

Dedaaladaasi waxba kama tarin, waxaana xilkii iska casilay Raisal Haielamariam Desalem sanadkii 2018 kii , waxaana Raisal wasaare loo magacaabay Abiy Ahmed Ali oo ahaa Gudoonkii Xisbiga ODP ee oromada si uu culeysku uga dago dalka doorashooyina loo qabto , Abiy Ahmed oo noqday horaantiiba shaqsi ka saameyn badan oo ka gadisan waxii laga filayey oo dalka Ethiopia u raray nidaam democratic ah , la heshiiyey dalka Erateria, mucaaridkii dalka iyo jabhadihiiba soo xareeyey.

Dedaalo badan oo uu gallay ayuu Ethiopia kaga badbaadiyey in uu damiyo mucaarid iyo jabhado dalka dibada kaga yimaadaa, taasi oo noqotay yididiilo iyo wanaag uu aduunka oo dhami ku soo dhaweeyey oo uu ilaa bilada nabada aduunka ku qaatey , waxaana aad moodeysay in uu laftiisa deg-deg badani ku jiray taasi oo dhalisay in dhawr goor la isku dayey inqilaab iyo in ay soo cusboonaadeen mudaharaadadii qoomiyada oromada dhawr goor.

Xiligani oo dawlado badan oo aduunka ahi iyo hay'adaha caalamiga kuwa xuquuqda aadamaha iyo guud ahaan caalamku cambaareynayo waxii ka dhacay Gobolka waqooyi ee Ethiopia ee Tigray oo ay dawlada Ethiopia ku qaaday weerar barakiciyey malaayiin dad ah , boqolaal kun ay ka talaabeen xuduudaha oo ay galeen dalka Sudan , kumayaal dad ahi ay ku dhinteen oo aan waxba galabsan hawlgaladii ka dhacay Mekelle iyo Gobolka waqooyi oo Tigray.

Raisal wasaare Abiy Ahmed ayaa waxa uu aasaasay xisbi la yidhaahdo xisbiga barwaaqada oo uu ugu talogalay in uu ku mideeyo qoomiyadaha dalka Ethiopia oo dhan xisbigaasi oo uu u bixiyey Ethiopian prosperity party (PP ) ayaa la filayaa in uu kaga qayb galo doorashooyinka soo socda .

Dr Abiy Ahmed iyo xukuumadiisa ayaa waxa laga sugayaa in ay dalkaasi doorasho ka qabato bisha June ee sanadkan, iyada oo waliba ay xidh-xidhan yihiin qaar ka mid ah mucaaridka dalka Ethiopia ugu waaweynaa oo lagu eedeeyey in ay kacdoonadan ku lug leeyihiin , markaa lama saadaalin karo in ay doorasho dhici karto iyo in kale .

Waxa la isweydiinayaa doorashooyinka Ethiopia ka dhici doonaa ma waxa ay la mid noqon doonaan doorashooyinkii EPRDF qaban jirtay ee dhinaca ka rarnaa, mise dalka Ethiopia waxa ka dhici doona doorashooyin dimuqaradiyadeed oo si nadiif ah oo muuqata loogu tartami doono , isla markaana noqon doona qaar xor iyo xalaal ah oo Geeska Africa sumcad iyo magac wanaagsan u soo jiida.


Image

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...