Barnaamijka Hordhaca ah ee Xisbiga/Ururka S.P.P ( SOMALILAND PEOPLES PARTY ) Q2aad

0
Sunday March 14, 2021 - 08:16:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnaamijka Hordhaca ah ee Xisbiga/Ururka S.P.P ( SOMALILAND PEOPLES PARTY ) Q2aad

    SIYAASADDA DEBEDDA:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIYAASADDA DEBEDDA:

UJEEDOOYINKA SALDHIGGA AH EE SIYAASADDA DEBEDDA.

 

Xisbiga/Ururka S.P.P wuxu aaminsan yahay in siyaasadda debeddu ay qayb ka tahay siyaasadda qaran ee dalka, sidaas darteedna tahay qayb muhiim ah oo tilmaamaysa danaha iyo ujeedooyinka istraatiijiga ah ee ummadda.

 

Nuxurka siyaasadda debedda ee Somaliland waxay tahay inay caalami ahaan horumariso madaxbanaanida dawladda Somaliland, si loo kasbado ictiraaf waxna ula qabsato beelsha caalamka.

 

Waxa xisbiga/Ururka S.P.P mudnaanta siinayaa siday Somaliland saaxiibo ugu yeelan lahayd Afrika iyo daafaha kale ee adduunka, sababtoo ah, waxan qiraynaa in masuuliyadda hore loogu riixayo madaxbanaanida dadkeenan u harraadan dimuqraadiyada iyo ka mid noqoshadooda beesha caalamku ay si aad ah ugu xidhan tahay hadba sida loo maamulo siyaasdda debedda.

 

Waxa xisbigaUrurka S.P.P ku dedaalayaa sidii Somaliland go’doonka looga saari lahaa ayna uga mid noqon lahayd beesha caalmka.

 

taasi waa ujeeddo muhim ah oo khusaysa siyaasdda debedda waana mid si toos ah uga tarjumaysa boholyawga dadkeenu u hayo dimuqraadiyadda, horumarka iyo aayo-ka-tashiga.

 

MABAADII’DA HAGAYSA ARRIMAHA DEBEDDA:

 

In siyaasdda Debeddu ahaato mid ka turjumaysa danaha Somaliland

 

In barwaaqaynta dhaqaale ee Somaliland ku xidhan yahay iskaashi dhaqaale ee heer gobol iyo heer caalami iyo suuqa xorta ah.

 

Inay siyaasadeena debedda ka muuqato siday inooga go’an tahay inaan dhisno Somaliland dimuqraadi ah.

 

Inaan isku hawllo in xuquuqaha dadka aanay ku koobnaanin siyaasadda, ee ay gaadhaan dhinacayda dhaqaalaha, bulshada iyo deegaanka.

 

maamulidda xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland waa inay ahaadaan kuwo muuqda oo sigib tiran (transparent) waxayna dhacayaan iyadoo lagala tashanayo baarlamaanka iyo hay'adaha dawladeed ee ku shuqul leh.

 

danaha qaranka Somaliland ayaa mar walba hagaya siyaasadeena debedda.

 

ammaanka iyo tayada nolosha dadka Somaliland, sharciga iyo kala danbaynta, nabadda iyo xasiloonida dhaqaale, iyo iskaashiga goboleed ayaa noqonaya mabaadii”da aasaasiga ah ee ay ku dhismayso siyaasadda arrimaha debedda ee Somaliland marka xisbiga/Ururka S.P.P talada dalka qabto insha Allah.

 

KA FAAIIDEYSIGA DHIBAATOOYINKA IYO CAQABADAHA SOMALILAND KA HOR YIMID 30 KA SANADOOD EE AY MADAX BANAANIDA HAYSATAY.

 

Arrinta ictiraafka caalamiga ah ee dawladaha aduunka aynu ku rabnaa waxa loo raaci doonaa qaab wanaagsan iyada oo laga shidaal qaadanayo caqabadihii iyo dhibaatooyinkii inagaga yimid arimaha dibeda mudadaasi iyo waayo aragnimadii aynu ka dhaxalnay.

 

Xisbiga/Ururka S.P.P waxa uu meesha ka saarayaa gabi ahaan xidhiidhka lala leeyahay Somalia ilaa ay ka dhalanayso Somalia dawlad meeqaam ahaan Somaliland u dhiganta oo dalkeeda maamusha.

 

AMMAANKA QARANKA.

 

MABAADII’DA GUUD.

 

Nabadgalyadu maadaama ay tahay aasaaska nolosha aan la'aanteed wax suuragalayaa jirin Xisbiga/Ururka S.P.P waxa uu ka dhigayaa ahmiyada koowaad waxaana uu galin doonaa dedaalka ugu badan tamar iyo tacab ba.

 

Ammaanka qaranka waxa soo gelaya wax kasta oo wax-yeellayn kara muwaadinka Somaliland.

 

Xisbiga/Ururka wuxuu ahmiyad siinayaa arrimaha ammaanka qaranka, ilaalinta iyo daryeelidda nabadgelyada muwaadiniinta, gaar ahaan arrimaha saamaynta xun ku leh caafimaadka muwaadiniinta, qiyamka, diinta, waxbarashada iyo guud ahaan suubbanaanta shacbiga , sigib tirnaanta maamulka iwm.

 

Xisbiga/Ururka wuxuu aaminsan yahay, iyadoo ay ugu wacan tahay adduunkii oo edeg ku wada-jira, isa saamayntiisuna ay maalinba maalinta ka danbaysa soo kordhayso, ayaa waxa lagama maarmaan ah in feejigo la yeesho, iyadoo wixii wanaagsan laga faai’daysanayo, la iskana caabbiyayo wixii dhibaato u leh dhaqanka, diinta, caafimaadka, barbaarinta iyo koboca shakhsiyadda qofka .

 

Si uu arrimahaas u xaqiijiyo, XIsbiga/Ururku wuxu yeelanayaa siyaasad dhammays-tiran oo uu ku waajaho wixii khuseeya ammaanka qaranka. Sidaa darteed, S.P.P wuxuu dejinayaa, horena u- marinayaa siyaasad dhinacyo badan leh oo ku wajahan ilaalinta ammaanka qaranka.

 

DIFAACA QARANKA IYO SUGIDDA XUDUUDAHA

 

CIIDANKA MILLATERIGA:

 

Xisbiga/Ururka wuxuu aaminsan yahay in ciidan milateri ah oo adag oo dalkani yeeshaa u yahay sees aasaasi ah xaqiijinta gooni-isu-taagga iyo madax-bannaanidiisa. Sidaa darteed. waxa Xisbigu/Ururku ku talo-jiraa dhisidda ciidan milateri ah oo tayo sare leh kuna fillaada difaaca dalka iyo ilaalintiisa. Si taas loo suurto-geliyo, Xisbigu wuxuu ku tallaabsan doonaa:

 

in uu isagoo ka duulaya khataraha hor-yaalla, qorsheeyo tirada ciidan ee lagaga hor-tegi karo, tayada uu u baahan yahay (tababar, hub iyo qalabba) iyo sida loogu heli karo;

 

in ciidamada hada jiro oo tayo iyo tiroba leh oo laban laabo daryeelkooga guud ee ciidanimo iyo daryeelkooga qofeed iyo qoyseedba taasi oo laf dhabar u ah wanaaga iyo horumarka amni ee laga rabo askariga jamhuuriyada Somaliland.

 

KOBCINTA DHAQAALAHA IYO LA-DAGAALLANKA SABOOLNIMADA:

 

Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu u arkaa in faqrigu yahay masiibo culus oo Ilaahay laga magan-galo, haddaanay ummaddu u guntan inay wax ka qabsato oo aanay wajihin inay mushkiladdaa isku-duubni kaga baxdana aanay jireyn cid kale oo ka saari kartaa. Sidaa darteed;

 

Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu ku dedaali doonaa inuu u abaabulo ummadda loo abuuro shaqooyin iyo mashruucyo maal galineed si dadka loogu kala jaheeyo oo la gaadhsiiyo ilaa in qofwaliba maareyn karo nolol maalmeedkiisa iyo ka qoyskiisa.

 

[email protected]

Lasoco Qaybaha Dambe…


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...