"Burco Somaliland Ayey Noqon Ama Meel Kale Ayaa Laga Maamuli"..Ganacsade Jaamac Karaaciin Oo Eedaymo Culus Dusha U Saaray Maayar Muraad

0
Saturday March 13, 2021 - 20:38:30 in News by
  • Visits: 2786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Burco Somaliland Ayey Noqon Ama Meel Kale Ayaa Laga Maamuli"..Ganacsade Jaamac Karaaciin Oo Eedaymo Culus Dusha U Saaray Maayar Muraad

    "Burco Somaliland Ayey Noqon Ama Meel Kale Ayaa Laga Maamuli"..Ganacsade Jaamac Karaaciin Oo Eedaymo Culus Dusha U Saaray Maayar Muraad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Burco Somaliland Ayey Noqon Ama Meel Kale Ayaa Laga Maamuli"..Ganacsade Jaamac Karaaciin Oo Eedaymo Culus Dusha U Saaray Maayar Muraad


Hargeysa(HWN):-Ganacsadaha Jaamac Maxamuud Aadan(Karaaciin) oo ka mid ah ganacsatada somaliland ayaa si adag uga jawaabay amaro hudheelkiisa kaga yimid maamulka gobolka togdheer iyo midka degmada Burco.

Daawo:-Waraysi Xiiso Badan Oo Lala Yeeshay Orad-yahanka Caanka Ah Ee Jaamac Karaaciin Iyo


Ganacsade Jaamac Karaaciin ayaa maayarka Burco ku eedeeyey inuu ku fashilmay masuuliyadiisa isaga oo difaacay barnaamijyada cawayska ah ee hudheelkiisu ku soo kordhiyey magaalada, waxaanu ka waramay ujeedada guud ee ay ka leeyihiin barnaamijyadan.

Ganacsade Jaamac Karaaciin ayaa hadalkiisa ku bilaabay "anigu waxaan ahay dhashii Burco, markii aan arkay baahiyaha ka jira magaalada waxaan igu kaliftay inaan maalkayga iyo hantidayda u huro si aan ugu hiiliyo gobolka oo aan uga dhex saaro waxan ku dhexjira ee daamaha iyo mashaakilka ah oo aan hirgeliyo meel layskugu yimaado oo ay ku sheekaystaan dhalinyarada, siyaasiyiinta iyo waayeelkuba.”ayuu yidhi Ganacsade Jaamac Karaaciin oo la hadlay HCTV

Ganacsade Jaamac Karaaciin oo ka hadlaya ujeedada ay ka leeyihiin barnaamijyada caweyskaah ayaa waxa uu yidhi "hool aanu ugu tala galnay in suugaanta lagu xuso ayaanu u bixinay Hadraawi maadaama oo ay burco tahay meelaha ugu qanisan xaga suugaan oo Hadraawi iyo rag kale oo badan ayaa ka soo jeeda,waxaanan ugu talagalnay inaanu ku samayno caweysyo kala duwan oo ay ku jiraan ciyaar soomaaligii, gabayadii, hal xidhaalayaashii, suugaantii iyo wacyi gelin loogu hiilinayo gobolka oo dhalinyarada lagu dareensiinayo halka caalamku maanta marayo, magaaladuna aad ayey ugu faraxsaday oo si wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyey iyada oo ilaa gobolada nalooga yimaado, imikana laba todobaad oo hordhac ah ayuu furnaa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in maayar Maxamed Muraad uu ku fashilmay masuuliyadii ay shacabku u dirsadeen "Maayar Maxamed Muraad todoba sanadood ayuu magaalada joogay oo uu maamul ka ahaa mudadaasna waxyeelada iyo dibu dhaca u gaystay cid waliba way ogtahay, waana la arkaa sida shaaricyadu yihiin markaad aragto adhiga, dadka, kolayada qaadka iyo waxa is dhexyaala,waana ninkii aflagaadaynayey ee caayey maayarada dhistay goboladooda, waana ninka aanu is nidhi magaalada la dhisa ee intii uu joogay ay dhalinyarada daamaha noqotay ee aan naga soo ag wareegin, waana ninka aanu xafiiskisa ugu tagnay ee aanu ku nidhi waxaanu sidnaa lacag aanu garoonka kubada cagta ku dhisayno ee dhul na sii markii uu nala balamayna waa ninkii telefanka naga xidhay ee beenta noo sheegay.”

Ganacsade Jaamac Karaaciin oo sii wada eedaymaha uu maayar Muraad u jeedinayo ayaa intaas raaciyey "waxyeelada uu magaalada u gaystay waxa ka mid ah in dadkii u hiilinayey ee ka hadlayey baahiyaha ka jira Burco ee lahaa garoonka diyaaradaha iyo dugsiyo hala dhiso inay uga tageen gobolka oo Hargeysa iyo dibada qabtay kuwaas oo cunaqabataynta uu magaalada ku hayo uga cararay, markii aanu is nidhi hiiliyana waataas la arkayo waxa uu samaynayo, Ina Muraadow haday todobadii sano dhibaatada aad gaysatay kugu filnaan wayday dadku kaa yeeli maayaan dadkuna way ogyihiin ninka Burco u lisaya iyo kan maalaya”

Ganacsade Jaamac Karaaciin oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay qorshaha uga yaala amarada kaga yimid maamulka gobolka iyo degmada "Anaga waxa naga go’an inaanu magaalada u hiilino, horumarkeedana ka shaqayno una habran mayno isaga iyo cid kalaba, barnaamijyada wacyigelinta ahina sidoodii ayaanu kaga tala galaynaa tan kalana Burco somaliland ayey ka mid noqon oo gobolada kale ayey la siyaasad noqon ama waxay noqon mid maamul gooniya leh oo si kale loo maamulo.”

Sidoo kale Jaamac Karaaciin waxa uu maayar Maxamed Muraad ku eedeeyey musuq maasuq "waxyaabo laga xishoodo ayaa jiree, sharciga Ina Muraadu ogolaaday in umada waxeeda la cuno oo aan dib loogu soo celin, caweyskana diidaya xagee ayuu ka keenay, waa wax layaab leh oo ay umadu way la yaaban tahay lamana aamusi karo wax intaas ka badan”




Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...