Ganacsigu Uma Adkaysto Murannada Dawladaha

0
Saturday March 13, 2021 - 18:05:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsigu Uma Adkaysto Murannada Dawladaha

    W/Q: Axmed Cumar Duse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed Cumar Duse

Orodyahan-ganacsade  Jaamac Karaaciin wuxuu u baahan yahay inuu si taxaddar leh uga baaraandego ka-falcelinta arrimaha kusoo kordhay meheraddiisa.



Markaan daawaday waraysigii uu maanta bixiyey, waxa iiga muuqata inuu si caaddifadleh u falceliyey, si gaar ahna u liishaamay Maayar muraad oo maanta kamid ahaa masuuliyiin awaamiirta shaaciyey, wuxuuna u muuqday nin u jawaabaya nin kale oo ay gaar isugu muuqdaan, mana uu soo hadal qaadin inay awaamiirtaasi yihiin kuwo dawlad kasoo baxay, isagoo aan carrabaabin xataa  Badhasaabka gobolka oo awaamiirtaas udub-dhexaad u ahaa, islamarkaana ah masuulka gobolka u qaabilsan xukuumadda.


Haddaba, Jaamac waa hantiile lacag badan geliyey dalka oo maalgashaday, carqlad kasta oo meheraddiisa ka hor timaaddana wax dan ahi uguma jirto, umuna wanaagsana inuu si ficiltan ka muuqdo ula gorgortamo maayarka degmada Burco, waayo markaad ganacsade tahay waa laga dheeraadaa wax kasta oo meheraddaada u ekaysiinaya far dheeraatay, iskudhacyada xagga dawladda kaaga yimaaddana waxa loo maareeyaa si laddifan oo ka baxsan caaddifad iyo wax iska celin, maaddaama aan qallacaadaha dawladda si dhibyar looga dhammaannin, waayo wax badan bay dawladdu inoo haysaa.


Fikir ahaan waxa ila qumman inuu ganacsaduhu arrimaha noocan oo kale ah ka hadalkooda   cid gaar ah u wakiisho(afhayeen) ama uu si cilmiyeysan u dhigo jawaabtiisa.


Tusaale fiican maanta muu bayaamin waxyaabaha lagu haysto jiritaankooda, kamanuu hadal aragtidiisa la xidhiidha cabashada culimada Burco ee uu maayarku sheegay inay soo gaadhay, waxase uu i jawaabay hab yooyootan iyo ku jiq sii ah oo aad mooddo inay laba quwadood oo isu dhigmaa is haaraamayaan.


N.B. kama hadlayo sax ahaanshaha eedaha ganacsadaha ka dhanka ah iyo jiriraankooda midna.

 

W/Q: Axmed Cumar Duse

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...