Yaa Ka Masuul Ah Faafinta Cudurka covid 19 Qore Mukhtar Cilmi

0
Saturday March 13, 2021 - 15:21:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Ka Masuul Ah Faafinta Cudurka covid 19 Qore Mukhtar Cilmi

    Bismilaahi alraxmaan alraxiim.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi alraxmaan alraxiim.


Waxaan salaamaya warbaahanta iyo dadweynaha somaliland.


Intaas kadib waa la wada ogyahay cudurkii covid 19 corona halka u marayo oo runti dalkii somaliland miyi iyo magaalaba galay oo dad farabadan ay u jeefaan guryaha, iyo dad badan oo gudbinaya cudurka kuwa basaska saaran iyo suuqyada ka ganacsada.



Mee doorkii wasaaradda arimaha gudaha iyo caafimaadka iyaga maanta ka masuul ah xakamaynta cudurka covid 19 somaliland, maanta cudurkii wuxuu ordaya gobolo ay adeega caafimaadku hoos u yahay tusaale sanaag, waxaana bahalkan sii faafiyey waa xafladaha musharaxiinta ay qabsanayaan hoolalka, iyo basaska dhexdooda iyagoo aan maask gashanayn, iyo kala iibsiga suuqyada.


Wasiirka arimaha gudaha maxamed kaahin iyo wasiirka caafimadkuba cumar cali waa in ay talaabooyinka laga sugayey ay qaadan oo waxaa ka mid ah:


1- joojinta xafaladaha musharaxiinta iyo aroosyada lafu qabanayo hoolalka.


2- joojinta adeega basaska.


3- dadku khasab ay sitaan mask dibada lana qabto cidi bela mask oo la ganaaxo.


4- in doorashooyinka dib loondhigo inta la xakamenayo cudurkan aduunkuna sida la sheegayo ila 2022 ba la xakamayn kara.


5- ciidamada lagu daadiyo magaalooyinka si iso socodka la yareyo oo bando wixi 9 habeenimo dalka u galo.


6- cid walba somaliland soo falaysa xaga diyaradaha amba dhulka waa in warqada koronada u sito.


Bahalkii wuu sii faafaya guryihina ayuu soo gali doona hadaa wax imika laga qaban.


Qore mukhtar cilmi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...