Barnaamijka Hordhaca ah ee Xisbiga/Ururka S.P.P ( SOMALILAND PEOPLES PARTY ) Q1aad

0
Saturday March 13, 2021 - 14:58:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnaamijka Hordhaca ah ee Xisbiga/Ururka S.P.P ( SOMALILAND PEOPLES PARTY ) Q1aad

    XISBIGA DADWEYNAHA SOMALILAND

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XISBIGA DADWEYNAHA SOMALILAND

BARNAAMIJ SIYAASADEEDKA XISBIGA/URURKA DADWEYNAHA SOMALILAND ( S.P.P ) OO GUUD MAR AH

 

 

HORDHACA QAYBTA 1AAD

 

Bisha, Abriil 2022 oo ah waqtiga la sugayo in lagu dhawaaqo gudiga diwaangalinta ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland .

 

20 sano ayaa ka soo wareegay kolkii Somaliland nidaamkeega dimuqaradiyadeed dhidibada loo taagey , waxaana laba goor oo hore la furay ururada siyaasada Somaliland oo kala ahaa sanadkii 2002 iyo 2012 , waxaana ay markii sadexaad ku beegan tahay sanadka 2022.

 

 

Dadweynuhu waxay u bukaan isbeddel xukuumadeed, kuwo badan oo dadkaas ka mid ahina waxay rajadooda ku xidhayaan doorashada tartanka ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland oo ay u arkaan in ay iman karaan ururadii iyo axsaabtii ka turjumeysay ujeedada dastuurka dalka iyo nidaamka dimuqaradiyadeed laga lahaa oo haatan aan muuqan.

 

Xisbiga/Ururka S.P.P mugdi kagama jiro baaxadda iyo baahiyaha dadka jamhuuriyada Somaliland qabaan , taas ayaana ku qasbaysa in ururku dedaalkiisa laban-laabo si uu dadka u baraarujiyo una dareensiiyo dhibaatooyinka soo fool leh, haseyeshee waxa uu wax walba ka fuudhyeelayaa soo bandhigidda iyo qeexidda barnaamij siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo tifaftiran, kaas oo ay hagayso aragti iyo ujeeddoyin looga gol- leeyahay in lagu higsado nabad waarta, barwaaqo, dimuqraadiyad iyo istraatijaddii xubin lagaga noqon lahaa Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

 

HIMILADA XISBIGA/URURKA S.P.P

 

Barnaamijka Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu ka turjumayaa xaqiijinta himilooyinka hoos ku xusan?

 

Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu u hawl-gelayaa xaqiijinta iyo taabbo-gelinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka mid-noqoshadeeda ururrada caalamiga ah iyadoo ah dawlad la aqoonsan yahay.

 

Xisbiga/Ururka S.P.P wuxu hiigsanayaa inuu dalkan Somaliland ka dhiso bulsho casri ah oo ka xor ah faqriga, jahliga, dulmiga, keli-talisnimda iyo guud ahaan maamul xumada weji kasta oo ay leedahay;

 

Xisbiga/Ururka S.P.P wuxu ku naalloonayaa yagleelidda bulsho dimuqraadi ah oo ay saldhig u yihiin mabaadi’da talo-wadaagga ee ka soo jeeda dhaqankeenna suubban , diinteenna Islaamka ah iyo waayo-aragnimada ina anfacaysa ee aynnu ka soo dheegannay horumarka sayniska iyo teknoolajiyada bulshada caalamku ku tallaabsatay;

 

Xisbiga/Ururka wuxu ku hammiyayaa abuuridda bulsho nabdoon oo u hiilisa sinnaanta, is-xaqdhawrka iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha ummadda Somaliland gaar ahaan iyo dadyawga gobolka iyo adduun-weynaha guud ahaan;

 

Xisbiga/Ururka wuxuu tiigsanayaa xaqiijinta bulsho ka dhiidhida addoonsiga weji kasta oo uu leeyahay iyo nooc kasta oo gumaysi ah, kana dheeraata yasidda, kala-faquuqidda iyo is-qabyaaladaynta;

 

MEEL-MARINTA MAAMUL-WANAAGGA:

 

Si uu u xaqiijiyo himilooyinka kor ku xusan, Xisbiga/Ururka S.P.P wuxuu meel-marinayaa mabaadi’da xukun-wanaagga ee hoos ku qoran?

 

adeegsiga gole xukuumadeed oo kooban, tayana leh iyadoo xeer jideyn doono jiritaanka wasaarad ama hay’ad kasta oo xukuumadeed, xeerkaas oo caddayn doona xilkeeda, qaab-dhismeedkeeda iyo xidhiidhka ay la leedahay hay’adaha kale ee dawladda;

 

hirgelinta hannaanka dimuqraadiga ah si waafaqsan diinta Islaamka iyo dhaqankeena suubban ee Soomaaliland iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo araganimada waxtarka leh ee dadyawga aduunka ee arrintaas ka midho dhaliyey;

 

dhiirri-gelinta iyo ka midho-dhalinta nidaamka xisbiyada badan, u-tartanka xorta ah ee hoggaaminta dalka, adkaynta hay’adaha dimuqraadiga iyo ka-qaybgalka dadweynaha ee talada dalka;

 

la-dagaallanka musuqmaasuqa, qaraaba kiilka iyo eexda;

 

xoojinta is-ilaalinta iyo is-dheelli-tirka hay’adaha dawladda (check and balance);

 

meel-marinta madaxbannaynta garsoorka iyo horumarintiisa;

 

dhiirri-gelinta iyo kobcinta saxaafad xor ah;

 

 

 

dhawridda xuquuqaha aasaasiga iyo xorriyadaha lagama maarmaanka ah ee noolaha jamhuuriyada Somaliland.

 

meel-marinta iyo horumarinta isla-xisaabtanka iyo xalliibnaanta (accountability and transparency);

 

xaqdhawridda iyo horumarinta ku-dhaqanka xeerka (respecting and promoting the rule of law);

 

Horumarinta, xaqdhawridda iyo u-hoggaansanaanta isticmaalka awoodaha cod-bixiyaha iyo cashuur-bixiyaha;

 

 

xoojinta iyo horumarinta nidaamka xukun daadejinta (encouragement and development of decentralization);

 

u-kala xaqsooridda gobolada iyo degmooyinka Somaliland iyo isu dheelitirka qaybsiga khayraadka qaranka;

 

dhiirri-gelinta iyo ka qayb gelinta beelaha laga tirade a badan yahay iyo haweenka talada dalka;

 

dhiirri-gelinta wada jirka muwaadiniinta Somaliland iyo u xallinta khilaafaadka si nabddoon;



dhiirri-gelinta deris-wanaagga iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha dalalka deriska ah kuwa mandaqadda iyo beesha caalamka.


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...