Ila Qosol ..... W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar
Reer Soomaaliyeed ayaa xilli Jiilaal ah soo dul degey ceel waadaan ama dowlislagaga cabbo.
Laba ka mid ah haweenkii reerka oo lalamaan -mid waliba wiil sidato-
ayaa ceelkii u arooray, si ay biyo uga soo dhaansadaan. Dabcanna, mid waliba
inankeeda way xambaarsanayd - sidii caadadu ahaan jirtey. Waxa kale oo mid
walba wiilka u dheeraa, haantii (dhiishii) ay soo dhaamineysey iyo waadaan.
Markii ay ceelkii tageen ee ay damceen, in ay biyihii dhaansadaan; ayuu midkood
wiilkii ay dhabarka ku sidatay kaga siibtay ceelkii oo uu gunta u tegey. Tii
kalana haanteedii ayaa ceelkii kaga dhacday!
Hooyadii wiilku ceelka kaga dhacay, ayaa oohin gar ah ceelkii la dul
fadhiisatay. Tii haantu ceelka kaga dhacdayna, baroor iyo ba'ayey ayay la ag
fadhiisatay!
Markii ay cabbaar iska ag ooyayeen ee ay midina wiilkeedii u ooyayso ta kalana haanteedii, ayay tii inanku ceelka kaga dhacay, tii kale eegtay oo ay iyada oo la yaabban ku tidhi, " Naa hoo haantan oo iga aamus aan kaa ooyee!"
Allahayoow ma gar!
Imisaa cidlo iyo waxaan caaro ka biirsan
Cisho noolba u ooya!
Oo wixii Caadilku siiyey iyo caanahoodii qubaaya!
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!