Xifdiga Quraanka Oo Lagu Soo Darayo Manhajka Waxbrashadda Dugsiyadda Somaliland

0
Saturday March 13, 2021 - 11:40:39 in News by
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xifdiga Quraanka Oo Lagu Soo Darayo Manhajka Waxbrashadda Dugsiyadda Somaliland

    Xifdiga Quraanka Oo Lagu Soo Darayo Manhajka Waxbrashadda Dugsiyadda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xifdiga Quraanka Oo Lagu Soo Darayo Manhajka Waxbrashadda Dugsiyadda Somaliland

argaysa (HP): Manhajka waxbarashadda dugsiyadda hoose, dhexe iyo sare ee Somaliland ayaa shuruud looga dhigay in ardaydu ay xifdiyaan barashadda quraanka kariimka ah.

Gaar ahaana fasaladda dugsiga hoose iyo dhexe ilaa sare.Taasoo u jeedadeedu tahay sidii loo dhisi lahaa akhlaaqiyaadka iyo qiyamka ardayda ka soo baxaysa dugsiyadda dalka.




Sidaasina waxaa sheegay wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), in wada tashi dheer ka dib la isla qaatay in dugsiyadda dawliga ah lagu barto maadooyinka quraanka kariimka ah.



Waxaanu wasiirku sheegay in barashadda quraanka ay qayb ka ahaan doonto ilaa inta ardaygu ka baxayo ama ka dhamaysanayo waxbarashadda jaamacadda.

Waxaanu yidhi, "Waxaan doonayaa in aan fursadan uga faa’iidaysto, in wasaaradda waxbarashadu ay go’aamisay in laga bilaabo maanta, dugsiyadda waxbarashadda lagu soo darrayo, maadadda Diinta. Markii horeba waa lagu dhigan jiraye, oo Tarbiya ayaa lagu dhigan jiray. Laakiin, taxfiidul quraan ayaa lagu soo darayaa”.


"Cidii u cilmiga lahayd baa la waydiiyay. Ardaydu markuu fasalka koowaad joogo, ee dugsiga hoose dhexe, hal Jis buu xafidayaa. Ka labaadna laba Jis buu xafidayaa, ka saddexaadna saddex Jis buu xafidayaa. Ka afraadna afar Jis. Waa toban Jis.

Afarta sanadood ee danbe ee hadhayna, sanad walba shan Jis buu xafidayaa” ayuu yidhi wasiir Toorno, oo hadal ka jeediyay magaaladda Hargaysa.

 


Loading...
Loading...