Maxkamadda Ciidamada Millatariga Somaliland oo Dil Ku Xukuntay Askari Ka Tirsan Ciidanka Qaranka

0
Saturday March 13, 2021 - 11:31:18 in News by
  • Visits: 2120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada Millatariga Somaliland oo Dil Ku Xukuntay Askari Ka Tirsan Ciidanka Qaranka

    Maxkamadda Ciidamada Millatariga Somaliland oo Dil Ku Xukuntay Askari Ka Tirsan Ciidanka Qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada Millatariga Somaliland oo Dil Ku Xukuntay Askari Ka Tirsan Ciidanka Qaranka

Maxkamadda Ciidamada Millatariga Somaliland ayaa waxa ay maanta dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan milatariga Somaliland.




Askarigan maxkamada Ciidamadu ku xukuntay Dilka ayaa hore magaalada Gabiley ugu dilay nin shacab ahaa

Ninka askarigu dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa macallimiinta dugsiyada magaalada Gabiley.

Maxkamadda Ciidamada Milateriga Somaliland ayaa hore sidan oo kale Dil toogasho ah ugu fulisay Afar askari oo hore maxkamaduhu ugu xukumeen dil kadib markii ay ku cadaatay in mid waliba si gooni ah qof u dilay.

Askartan ayaana kala ahaa Cabdirizaaq Maxamed Kheyre, oo magaalada Berbera ku dilay xiddigle Adam Guuleed Daahir taliyihii ciidanka birmadka boliiska ee Berbera.

Cabdicasiis Saciid Warsame oo hore u toogtay taliyihii guutada 93aad ee ciidanka Somaliland ee gobolka Sanaag Bashe Cabdi Cali.

Cabdillahi Cabdi Cilmi, oo hore ugu dilay Hargeysa nin shacab ahaa oo magaciisu ahaa Cabdi Cismaan Cali.

Askariga afraad ee maxkamadu dilka ku fulisay ayaa ahaa Cismaan Hirad Diiriye, oo hore ugu dilay gabolka Awdal sarkaal ka tirsanaa ciidanka Somaliland oo magaciisu ahaa Axmed weli.



Loading...
Loading...