Dawlada Turkiga Oo Shaacisay Qorshe Ay Ku Wajahayso Khilaafka Siyaasadeed Ee Ka Taagan Soomaaliya

0
Saturday March 13, 2021 - 11:14:06 in News by
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Turkiga Oo Shaacisay Qorshe Ay Ku Wajahayso Khilaafka Siyaasadeed Ee Ka Taagan Soomaaliya

    Dawlada Turkiga Oo Shaacisay Qorshe Ay Ku Wajahayso Khilaafka Siyaasadeed Ee Ka Taagan Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Turkiga Oo Shaacisay Qorshe Ay Ku Wajahayso Khilaafka Siyaasadeed Ee Ka Taagan Soomaaliya


Dowlada Turkiga oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa sheegtay in gacan ka geesaneyso sidoo xal looga gaari lahaa khilaafka hareeyay doorashada waqtigeeda dhaaftay ee Soomaaliya.

NATO ally France working to ramp up Russian presence in Libya: FM Çavuşoğlu | Daily Sabah


Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu, oo wareysi uu siiyay wakaalada wararka ee Anadolu Agency ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan khilaafka ka dhashay doorashada.


Waxa uu sheegay Wasiirka in dowlada Turkiga ay taageereyso xal walbo oo laga gaari karo muranka hareeyay doorashada iyo sidii loo hirgalin lahaa heshiiskii ay gaareen dowlada Federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada 17-kii September 2020.


"Waa muhiim in xal ay wadajir u gaaraan walaalaha Soomaaliyeed si heshiis looga gaaro arrimaha Doorashooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan, waana tan aan rajeyneyno in ay dhacdo”Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.


Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay in dowladiisa gacan ka geesaneyso sidii la isugu keeni lahaa dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya si xal wanaagsan uga gaaran geedi socodka doorashada, waxa uuna xusay in dhawaan Soomaaliya gaaraan masuuliyiin.


Dowlada Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowlada federaalka ee Soomaaliya, waxaana siyaasiyiinta mucaaradka ku eedeeyeen dowlada Turkiga ciidamada ay Soomaaliya u tababartay in loo adeegsanayo cabsi galinta siyaasiyiinta mucaaradka.


Loading...
Loading...