Hargaysa: Sheekh Cabdiraxmaan Dheere Oo Sheegay In Ardaydu Ku Mudaharaadi Karaan Dawlada

0
Saturday March 13, 2021 - 08:41:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa: Sheekh Cabdiraxmaan Dheere Oo Sheegay In Ardaydu Ku Mudaharaadi Karaan Dawlada

    " Ardayda haddii fidmadda ay bilaabaan fawdadoodu mahakato"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Ardayda haddii fidmadda ay bilaabaan fawdadoodu mahakato"

Hargaysa (HWN) Sheekh Cabdiraxmaan dheere oo kamid ah culumada magaalada Hargaysa ayaa kahadlay kacdoonkii ay dhawaan sameeyeen ardayda dhigata iskuulada Nuuradiin iyo Salaama oo ku yaala Hargaysa.




Waxaanu sheekhu sheegay in aan la dhayalsan kacdoonka ardaydu sameeyeen, ayna dhici karto inay ardaydu ku mudaharaadaan dawlada oo ay ka soo horjeestaan.


Sheekha oo ka hadlaya rabshada ay ardaydu sameeyaan ayaa yidhi " Ardayda haddii fidmadda ay bilaabaan fawdadoodu mahakato, dawlado waawaynbay rideen ardaydu, maanta waxay ku mudaharaadayaan iskuul, beri waxa la arki doonaa iyagoo dawlada ku mudaharaadaya oo leh madaxwaynaha dooni mayno, waa fidmo huruda haddii la toosiyo waa wajiyo badan, dadbadan ayaa siyaabo kala duwan uga faa’iidaysan doona, dawladu il dheer ha uyeelato arinta noocaasi ah, yayna moodin inay hebelo gaar ah ku koobantahay, waan ain sidheer loofikiraa”.   

 

Ardaydan mudaharaadka ka sameeyay Hargaysa ayaa soo bandhigay cabashooyin ay ka tirsanayaan iskuulada ay dhigtaan, waxaana ilaa hada mudaharaad sameeyay laba iskuul.


Wasaarada waxbarashada ayaana ka hadashay mudaharaadka ay sameeyeen iskuuladan iyadoo sheegtay in la saxayo dhibka ay ardaydu ka cabanayaan

Loading...
Loading...