Maayarka Gabilay Oo Ka Hadlay Halka Uu Ka Keenay Hantida Uu Ku Dhistay Guriga Fooqa Ah

0
Saturday March 13, 2021 - 08:39:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Gabilay Oo Ka Hadlay Halka Uu Ka Keenay Hantida Uu Ku Dhistay Guriga Fooqa Ah

    "Waxa Jirta hanti kale oo La Sheego kaalmo iyo Wax, mana Lihi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa Jirta hanti kale oo La Sheego kaalmo iyo Wax, mana Lihi"

Gabilay (HWN) Maayarka magaalada Gabilay Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo caawa marti ku ahaa Barnaamijka Galbeed Show, ayaa ka hadlay Guri Fooq ah oo uu ka dhistay Gabilay intii uu xilka maayarnimada Hayay.

 

Gurigan oo shacabku qaar kamid ahi sheegeen in uu maayar Maxamed Amiin ka dhistay hantida ummada ayaa su’aal la xidhiidha guriga oo la waydiiyay uu maayarku kaga jawaabay sidan:- "Anigu markii aan xilka mayarnimo qabtay waxaan Ilaahay ka magan galay in aan la Ii qaban hanti umadeed oo aan hawl ka qabsaday, Guriga dhismihiisa wax-baan idinka sheegay Caawana waan idinla Wadagayaa , markii hore Guri kiro ah ayaan ku Jiray suurto galna may ahayn In aan dhisto Guri, Balse Maadamo Gurigu ka midyahay Baahiyaha Jiray, waxaan 5 qof oon abaal uhayo u gudbiyey Baahida Guriga waanay iga caawiyeen oo way Ii dhiseen” ayuu yidhi maayar Amiin




Sidoo kale waxa uu maayar amiin ka hadlay hanta kale oo la sheegay in uu leeyahay "Waxa Jirta hanti kale oo La Sheego kaalmo iyo Wax, mana Lihi, Caawaba waan Idin siiyey Qofkii sheegayow In aan Hanti Kale Leeyahay".


Inkastoo maayarku iska fogeeyay in uu lunsaday hanti  shacab hadana, waxa ay dad badan oo kamid ah shacabka uu maamulaa sheegeen in ay jirto ku tagri fal hantiyeed oo uu sameeyay Maayar amiin

Loading...
Loading...