Dood dhex martay Sharciga Maraykanka iyo Soomaalida maganta u ah...W/ Ibraahin Hawd

0
Friday March 12, 2021 - 23:47:47 in Articles by
  • Visits: 1704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dood dhex martay Sharciga Maraykanka iyo Soomaalida maganta u ah...W/ Ibraahin Hawd

    Dood dhex martay Sharciga Maraykanka iyo Soomaalida maganta u ah...W/ Ibraahin Hawd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dood dhex martay Sharciga Maraykanka iyo Soomaalida maganta u ah...W/ Ibraahin Hawd


Sharciga Maraykanka: 

Wax aan helay xog sheegaysa guri uu ka dhacday halis bulsheed oo uu dhibbane u yahay ilmo aan garaadsan. Sidaa darteed aniga oo raacaya qodobbadayda cadcad ee khuseeya badbaadinta ilmaha xaalad xun ku sugan, wax aan goobta u soo diray hawlwadeen ka socda daryeelka bulshada ee Qaranka. Warbixinta baadhitaan hordhac ah oo hawlwadeenku arrinka ku sameeyeen ka dib wax aan go'aamiyay in danta ilmahaasi ku jirto in xaaladda uu ku sugan yahay la ga soo badbaadiyo, oo si kumeelgaadh ah qaranku xilkiisa u la wareego, loona geeyo qoys hayn kara inta eedda jirta garsoorku go'aan ka gaadhayo.
Runta Soomaalilaand: Ibraahin Hawd - Sayruuq News


Soomaalida maganta ah: Alla ba'nayey! Alla hoognayey! Alla ilmaheennii gaalaa qaadanaysaay! Alla ina soo kiciyaay! Wadaaddadii meeye? Tolkii mee! Abti mee! Alla kaniisad baa carruurtii Soomaaliyeed guratayey!

Sharciga Maraykanka: Usuuuus! Joojiya qaylada iyo fawdada. Joojiya tolla'ayda iyo muusannowga aad dalkiinnii hore ku soo dumiseen. Idinka ayaan idiin adeegaa oo idin ilaaliyaa oo idin ka la ilaaliyaa ee i gu kalsoonaada iina hoggaansama. Wax gaalo iyo kaniisad la yidhaahdo oo ilmaha idinka qaataa ma jiraan ee waa Qarankiinna iyo Sharcigiinna oo idiin qaabbilsan in uu qof wal oo xaalad xun ku sugan ka badbaadiyo, ilmuhuna taa waa ka kow illayn awood iyo garaad uu isku badbaadiyo ma lehe.

Soomaalida maganta ah: Alla ba'nayey! Alla hoognayey! Ilmaha waa la gaalaynayaa! Hilib doofaar baa la siinayaa! Innaga ayaa la inoo dan lee yahay! Ka soo kacaay Soomaaliyey! Ka soo kaca culimadaay! Ha la soo baxo! Ka soo kacaay Maraykan iyo gaalo ayaa inoo tashadaye! Alla tolla'ay oo taag beelay!

Sharciga Maraykanka: Usuuus! Joojiya buuqa iyo fawdada. Ka dhex baxa qoyskan iyo qarankiisa. Haddii aad wax badbaadinaysaan noloshiinna silcaysa badbaadiya. Dhallinyaradiinna xabsiyada ku qudhuntay badbaadiya. Derbijiifka idinka dhashay ee ciidda ka batay. Wiilashiinna xagjirnimada iyo argagixisada u wada gacan galay badbaadiya. Joojiya fawdada. Haddii aad wax badbaadin karaysaan hore ayaad dalkiinnii aad ku halaagsanteen u gu badbaadi lahaydeene. Tolka aad ku muusannaabaysaan iyo wadaadka aad u yeedhanaysaan sow ma aha waxii aad ka soo qaxdeen? Meesha kaniisad iyo gaalo iyo cadaw ma jiro ee waa Qarankii oo ilmihiisa badbaadsanaya ee joojiya anshax xumada iyo fawdada oo sharciga u hoggaansama.

Soomaalida maganta ah: Alla hoognay oo ba'nayey! Ka soo kacaay! Gabadha telefoonka gaalada u ga turjumaysaa gaalada ayay u shaqaysaa! Gabdhaha ay hooyadan dirireen gaalada ayay u shaqeeyaan oo iyaga ayaa u gu yeedhay si ilmaha loo ga qaato. Wiilasha Soomaalida ee ina aamusiinayaa gaalada ayay hoosta ka ga jiraan. Ka dhiga gaalada ilmaha! Haddii la qaadanayo waa in loo geeyaa qoys Soomaali ah! Ku qayliya bilayska. Qayliya walaalayaal!

Sharciga Maraykanka: Dib u baxa! Joojiya fawdada. Ilmaha qoyska aad idinku doontaan u geyn maysaan ee qoys sharcigu baadhay oo ku kalsoon yahay oo aamin ah baa ilmaha loo geeyaa ee joojiya fawdada. Ilmaha idinku masuul ka ma tihidin ee Qaranka iyo sharciga ayaa masuul ka ah ee caqli yeesha oo joojiya gefka.

Soomaalida maganta ah:

Soomaaliyey waa tan hooyada dulman ee ilmaha la ga qaadanayaa. Waa ay waalan tahay baa la lee yahay. Walaasheed baa dacwaysay baa la lee yahay. Telefoonkan ka soo caawiya! Lacag ma rabo oo qoys hodan ah baan ka dhashay bay lee dahay ee yeelkeed ee soo caawiya. Gabadhu wax ay ka timid magaalo hebla oo waa reer hebel oo waa ina hebel hebel oo magaceeda hebla ayaa la dhahaa, oo waa taa aad wada aragtaan. Daawada! Waa kaa wajigeedu. Waa taa na la hadlaysa. Waa tan. Ilmuhu waa kaa. Waa kaa hurda ilmuhu. Waa gabadh. Si fiican u fiiriya wajigeeda.
Sharciga Maraykanka: Waar joojiya fawdada! Joojiya dhaqan xumada. Maxaad gabadha qofnimadeeda u bandhigaysaan ee u fadeexaynaysaan?! Yaa idiin banneeyay in aad ilmaha filin ka duubtaan oo baraha bulshada ku faafisaan?! Ma garanaysaan waxa aad samaynaysaan horta? Sharci iyo anshax midna miyaydaan xeerinayn. Ka xishooda ilmaha iyo marwada dhibban ee aad muuqaalkooda dunida ku faafinaysaan. Miyaydaan ogayn waxaasi in ay sharci darro iyo dembi weyn tahay?

Soomaalida maganta ah: Ka soo kaca Soomaaliyey! Carruurteennii gaalo iyo kaniisad baa gurtay! Tolla'ay oo tol iyo taag beelay!



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...