Guddida Doorashooyinka Oo Kaadh Bixinta Ka Bilaabay Gobolada Sool Iyo Sanaag

0
Friday March 12, 2021 - 13:30:16 in News by
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Doorashooyinka Oo Kaadh Bixinta Ka Bilaabay Gobolada Sool Iyo Sanaag

    Guddida Doorashooyinka Oo Kaadh Bixinta Ka Bilaabay Gobolada Sool Iyo Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Doorashooyinka Oo Kaadh Bixinta Ka Bilaabay Gobolada Sool Iyo Sanaag


Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maanta bixinta Kaadhadhka Cod-bixinta doorashooyinka soo socda ka bilaabay Gobollada Sool iyo Saaxil ka dib markii ay dhawaan soo dhamaatay dib u diwaangelintii Dadweynaha doonaya inay codeeyaan doorashada.

Public Relation – Somaliland National Electoral Commission


Komiishanka ayaa Kaadh-bixinta Maanta ka bilaabay illaa 90 Goobood oo ku yaalla Gobolka Saaxil iyo Tobanaan meelood oo Gobolka Sool ah.


Kaadh-bixinta oo Gobol walba ka soconaysa muddo 3 Maalmood ah, ayaa waxa Saaka Goobaha ay ka bilaabantay waxa kormeeray Xubnaha Guddiga doorashooyinka iyo Masuuliyiin ka mid ah xisbiyada Qaranka Somaliland, kuwaasi oo Dadweynaha ku booriyey inay ka faa’idaystaan muddada 3-da Maalmood ah ee soconayso isla-markaana Kaadhadhkooda cod-bixinta qaataan.


Kaadh-bixinta oo soconaysa muddo 3 Maalmood ah, ayaa marka ay dhamaato, waxay sii goobo kooban Gobol walba ka sii socon doontaa muddo 7 Maalmood ah, si Dadka saddexda Maalmood aan ku qaadan Kaadhadhkooda fursad loo siiyo.


Loading...
Loading...