Faysal Cali Waraabe Oo Macno Cusub U Sameeyey Dagaalkii Lagu Riday Dawladii Kacaanka

0
Friday March 12, 2021 - 13:26:57 in News by
  • Visits: 2544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Macno Cusub U Sameeyey Dagaalkii Lagu Riday Dawladii Kacaanka

    Faysal Cali Waraabe Oo Macno Cusub U Sameeyey Dagaalkii Lagu Riday Dawladii Kacaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe Oo Macno Cusub U Sameeyey Dagaalkii Lagu Riday Dawladii Kacaanka


Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in markii Ingriiskii dalka ka tagay ay reer Somaliland galeen gumaysi kale.

Faysal Cali Waraabe


Waxa uu sheegay Guddoomiye Faysal in in dawladii kacaanku ee Maxamed Siyaad Barre ay gumaysi kale ahayd.

"1982 baan imid iyadoo waxaaso xafiisa qof reer Somaliland ahi aanu fadhiyin oo ay wadada shisheeye yihiin, oo laydin haysto, waxad ka baxdeen Ingiriiskii oo mid walowayn baad gasheen”. Ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Hadalkan ayuu Faysal Cali Waraabe ula jeeday in markii Somaliland ay ka xorawday gumaystihii Ingiriiska ay dawladii kacaanku gumaysatay markale.

"Goob kasta waxa joogay nin shisheeye ah oo aan u dhalan oo lacagtuun iska guranayay.” Ayuu Faysal hadalkiisa sii raaciyay.

Faysal ayaa sheegay in dagaalkii lala galay dawladii kacaanka uu aha dagaal lagu doonayay in qaranimada Somaliland lagu soo celiyo.

"Ujeedada ugu wayn ee aynu dagaalka u galnay waxay ahayd in aynu qaranimadeena soo ceshano, waxan kale ay sheegayaan ee qabiilka, cadaadiska iyo meelkasta wuu ka jiraa oo wax wada sax ahi majiro aduunka”. ayuu yidhi guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe.


Loading...
Loading...