Dawlada Ingiriiska Oo Safiir Cusub U Soo Magacawday Soomaaliya Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay

0
Thursday March 11, 2021 - 12:56:43 in News by
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Ingiriiska Oo Safiir Cusub U Soo Magacawday Soomaaliya Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay

    Dawlada Ingiriiska Oo Safiir Cusub U Soo Magacawday Soomaaliya Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Ingiriiska Oo Safiir Cusub U Soo Magacawday Soomaaliya Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster.
May be an image of 1 person and standing


Danjire Kate oo Madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go'an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.
May be an image of 1 person, standing and indoor
May be an image of one or more people and indoor
May be an image of 1 person and standing


DHAMMAAD

Loading...
Loading...