Sidee Soomaaliya isugu Diyaarisay Kiiska dacwada badda kenya Iyo Soomaaliya?

0
Thursday March 11, 2021 - 11:27:45 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Soomaaliya isugu Diyaarisay Kiiska dacwada badda kenya Iyo Soomaaliya?

    waxaa Soomaaliya hogaaminaya Qareennada difaacaya dacwada badda 15-ka March 3 qareen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa Soomaaliya hogaaminaya Qareennada difaacaya dacwada badda 15-ka March 3 qareen

Guddiga Dowlada Soomaaliya U Matelaya Dacwada Badda Oo U Ambabaxay Magaalada Hague - YouTube

Todobaadka soo socdo maalinta Isniinta waxaa si rasmi ah u bilaabmaya dhageysiga garmaqalka Muran badeedka Kenya iyo Soomaaliya.




Maxkamadda ICJ oo dhowr mar hoore codsiya ka yimid dowladda Kenya dib ugu dhigtay ayaa go’aamisay dhamaadkii February in aan mardambe dib loo dhigi doonin dhageeysiga dacwadda labada dal.



ICJ ayaa sidoo kale bilawgii bishaan March go’amisay in ay dacwadda Baddenna ee muranka galisay dowladda kenya qaadi doonto 15 March.


Soomaaliya waxaa muqdisho ka amba baxay masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya uga qayb galaaya dhagaysiga Dacwadda Arimaha Badda ee u dhaxeeysa Kenya Iyo Somalia.


Waftiga oo uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Ayaa arinkaa dowlada soomaaliya oga wakil ah.


Kiiskan oo ay dowladdii Madaxweeyne Xasan Shiikh Maxamuud u gudbisay Maxkamdda ICJ 2014 ayaa soo maray heerar kala duwan iyadoona 3 mar dib loo dhigay dhagaysiga dacwada labada dhinac taasi oo dalabkeeda aay keenya lahayd. Inkasoo markii 4aad inay baajiso keenya looga gacan sayray.


waxaa Soomaaliya hogaaminaya Qareennada difaacaya dacwada badda 15-ka March 3 qareen, oo u kala dhashay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaa ayna ka socdaan shirkadda Lawyarada caalamiga ah ee Foley Hoag waxa ayna kala yihiin :


1. Paul Riichler: Waa abuukaate caalami ah, oo fadhigiisu yahay Washington, D.C, kana soo baxay Harvard Law School. 1973 iyo Jaamacadda Tufts, B.A. 1969, waxaa uu ku hadlaa Spanish iyo English.


2. Prof. Philippe Sands: Waa 58 jir fadhigiisu yahay London, waxaa uu wax ka bartay Harvard Law School iyo Corpus Christi College, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo Mareykanka, Canada, Faransiiska iyo Australia ah.


3. Prof. Alain Pellet: Waa 72 jir, waa Abuukaate Faransiis ah, waxaa wax ka dhigaa Université de Paris Ouest – Nanterre La Défense, waxaa uu in badan lataliye u ahaa dowladda Faransiiska, waxaa uu wax ku bartay isla Paris.


3-dan qareen ee Soomaaliya u matali-doona dacwada badda, waxaa ay horay ugu guuleysteen dacwo badan, iyagoona heleen abaalmarinno caaalami ah, waxaa ay caan ka yihiin maxkamadaha caalamiga,


Soomaaliya ayaa markan qabta kalsoonida ah 100% in ay ku guuleeysaneyso kiiska dacwadda , haddii ICJ ay wax ku xukmineyso caddeymo, khariidado hore, sooyaal ay ka tageen gumeystihii iyo sharciyada caalamiga ah.


Dhan kale Istiraatiijadda Kenya ee Kiiska badda. Ayaa adeegsanaysa 3 Qodob


Kenya waxay qaaday dhawr tilaabo oo ku saabsan arinta badda, mid kowad waxay la fadhiisatay si ay khibrad uga hesho Dowladihii ku guuleystay ama loogu guulaystay ICJ kiis ku saabsan badda si ay khibrad uga hesho, waxaa kamid ah kuwaasi oo aay ka mid yihiin Dalalka Peru, Nigeria, Cameron, Iyo Chile .


Kiiska peru iyo cheli oo ka tirsan k ameerica ayaa ah kiiska ugu dhaw Somaliya & Kenya balse kiiskaas waxaa looga adkaaday Chile oo sida Kenya u doodaysay.


2. qorshaha labaad ee kenya , waxay badashay Qareenadii hore oo ku kala dhashay dalalka (America), (Kenya (Britin (French)) waxayna ku badashay kuwa ka aqoon badan oo Kiis ku guulaystay, qaarna heshiisyada Caalamiga ah looga dambeeyo.


3. qorshaha 3aad ee kenya

kenya Waxay ku dhex-furtay Soomaalida Dacaayad badan si ay u mashquliso bulshada, waxaa kamid ah arinta marqaatiyada ay sheegtay in ay haysato iyo waxyaabaha ay war-baahinta baahisay. Caadiyan Siyaasadda arrimaha dibadda Kenya waxaa la dhex-mariyaa War baahinta madaxa-banaan arinkaasi.


Waxaana suuragal ahKenya in ay ku khasaari doonto arinta badda maadaama heshiiska UNCLOSE ee badaha aysan waafaqsanayn dacwadeeda, ayna ka mid ahaayeen Soomaaliya iyo Kenya dalalkii saxiixay, lana aqbali doona codsiga Soomaaliya ee xadaynta soohdimaha badda. Kenya waxay mar kale doodeeda isugu gayn doonta sida la filayo Heshiiskii aay horay u wada galeen laba dal…


Kiiska ugu dhaw kan Soomaaliya iyo Kenya ee ICJ gashay.


Tusaalaha ugu dhaw kiiska Soomaaliya iyo Kenya waa kiiska Cheli iyo peru, kaas oo soo bilowday 2008 xukuna kasoo baxay 2014-tii. Kaasi oo dalka chili looga itaal Roonaaday.


Kiiskaas Peru ayaa ku guuleysatay balse Arinta Cajiibka ah waxay tahay Qareenada Peru ee ku guulaystay dacwadda, waxaa kamid ah ninka hoggaamiyo kiiska Soomaaliya hada Prof. Alain Pellet, halka labo kale ay hormuud u yihiin kiiska Kenya.


Quburo ku xeel dheer arinkani ayaa ku doodaya In Soomaaliya waxaa la gudboon in ay ka fakarto istiraatiijad ah sida Ciidanka Kenya ay Soomaaliya uga bixi lahaayeen ka hor xukunka ICJ, sababtoo ah waxa talooyinka Kenya ay ka heshay dhawr dal oo laga guulaystay kamid ah in ay colaad iyo awood abuurto si mar kale hab-diblumaasiyeed ugu hesho ugu yaraan waan-waan khasaaro celin ama heshiis cusub oo wax qeybsi hadii laga guuleysto, farsamadaas dalal badan ayaa sameeyey.


Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa sababay in uu burburo Xiriirka dhinacyada,Diblomaasiyada,ganacsiga iyo iskaashiga Amniga ee laba wadan ka dhexeeyey ka dib markii Dowladda Federaalka soomaaliya ay ku dhawaaqday inay Kalsoonidii kala noqotay Ciidanka Kenya ee qabta ka ah Howlka AMISOM kuwaas oo ay sheegtay loo adeegsado weeraro dhan ah Muwaadiinta Soomaaliyeed lagu Bartilmaameedsado dadka shacabka ah,burburinta xarumaha isgaarsiinta oo noolosha bulshadu ay ku tiirsan iyo Faragalinta Arimaha gudaha Soomaaliya.


Dowladda Soomaaliya sidoo kale Kenya waxaa ku eedeysay inay ka mid tahay caqabadaha hortaagan Doorashada heer Federaal,iyada oo Madaxda Maamulka Jubbaland ku cadaadinaysa in aysan wax Heshiis ah lagalin Dowladda dhexe, iyo Dowladda Kenya ay jabhad hubeysan ay ka hirgalisay Xuduud beeneedka labada ee Duleedka Degmada Baladxaawo ee Gobalka Gedo.


Marka laga soo tago diyaargarowga Dowladda Soomaaliya ee ku aadanqeybgalka Fadhiga maxkamada,bulshada Soomaaliyeed waxaa ay ku han-weyn yihiin in Soomaaliya guul ka gaarto Qadiyada Badda, isla markaan Maxkamada cadaalada Aduunka ee ICJ ay Soomaaliya u xukunto seer-baddeedkaan oo lagu tuhunsan yahay in ceelala shidaal ay ku jirto.


Diyaarintii 

Mohammed Abdikadir Silver:

Loading...
Loading...