Hayaan: Hal Akhris Mudan

0
Thursday March 11, 2021 - 10:21:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hayaan: Hal Akhris Mudan

    W/Q: Axmed Iid Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed Iid Aadan

"Hayaan: waayaha kacdoonnada dhaliya isbeddeleda bulshadu” waa buug cusub oo 126 bog ka kooban oo uu qoray Cabdillaahi Beershiya, ayna daabacday shirkadda Hiilpress. Jaldiga buugga waxa ku sawiran, sida uu aniga iigu muuqdo, cadceed soo baxaysa iyo dad gacmaha kor u taagaya oo ay qaarkood calammo sitaan. Waa’ cusub oo beryey, damaashaad iyo isbeddel guul ku dhammaaday ayaan u qaatay!

 

Ummad kasta oo adduunka ku nooli, xumaan iyo samaanba, xaalado kala duwan ayay soo martay. Waqtigan aynu joognana shar iyo khayr labaduba dunida way ka jiraan. Mar walba wax baa isdhalanrogaya, waxna sidii ay ahaayeen si’ ka duwan ayay isu doorinayaan. Macnuhu waa in ay mar walba isbeddelo socdaan, oo aanay giraanta waayuhu marna joogsanayn.

 



Qoraa Cabdillaahi Beershiya waxa uu dhiganahan kaga hadlay isbeddelo waaweyn oo waqtiyo kala duwan meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah ka kala dhacay, waxanu inoo soo qaaday tusaalayaal wax-ku-ool ah oo wax lagu qaadan karo. Waxa uu qoray waxyaalaha isbeddelada keena, sida ay u dhacaan iyo waxyaalaha sababa in ay isbeddelada qaarkood guulaystaan, qaarna aanay guulaysan. Arrimahaas qoraagu wuu baadhay, sida macluumaadka buugga ku jira ku xusanna waxa uu baadhitaannadaas wax kaga soo daray daraasado ay sameeyeen rag khubaro ah oo ay qaarkood aqoontoodu PhD gaadhsiisan tahay.

 


Sida ku qoran bogga 26aad, isbeddelada waxa keena dhaqdhaqaaq, hawl joogto ah oo lagu difaaco mabda’ gaar ah si loo gaadho yool la dhigtay, kaas oo ay majaraha u qabtaan koox dad ah oo ku heshiiyey rejo isku mid ah iyo caqiido ay wada rumaysan yihiin, si ay isbeddel guud oo ay bulshadoodu dareento u sameeyaan.


 

Meelaha xorriyad la’aanta, midabtakoorka, silica, cadaadiska, saboolnimada iyo wixii la mid ahi ay ka jiraan ayay dhaqdhaqaaqyadu ka bilaabmaan. Dad in ay isbeddel sameeyaan ay ka go’an tahay ayaana inta badan bilaaba.


 

Qoraagu waxa uu buugga ku dhigay qodobbo uu sheegay in ay saamayn ballaadhan isbeddelada ku yeeshaan, qodobbadaasna waxa ka mid ah:


 

1. Xidhiidhka ka dhexayn kara dhaqdhaqaaqyada isbeddeldoonka ah iyo qaybaha bulshada


2. Dhaqdhaqaaqyada isbeddeldoonka ah iyo saamaynta ay isku yeelan karaan saddex-geesoodka lamataabtaanka ah: diinta, isirka iyo afka.


3. Dhaqdhaqaaqyada isbeddeldoonka ah iyo saamaynta tirada dadka ku dhaqan meelaha ay ka dhacaan


4. Dhaqdhaqaaqyada isbeddeldoonka ah iyo ilaalinta taariikhda ummadahooda.

 

Waxa kale oo uu qoraagu buugga ku sheegay saddex qaybood oo dadka ka mid ah, kuwaas oo isbeddelada lagamamaarmaan u ah:

 

1. Koox fikir curisa oo soo bandhigta.

2. Koox fikirkaa hirgelisa oo isbeddel keenta.

3. Koox isbeddelku marka uu dhaco isku dubbaridda.

 

Qoraagu waxa uu inoo soo gudbiyay, sida aynu kor ku soo sheegnay, tusaalayaal taariikhda ku xusan oo ilaa maanta qaarkood la daraaseeyo. Waxa tusaalayaashaas ka mid ah isbeddeladii ay Mahatma Gandhi, Mao Tse-tung iyo rag kale taariikhda ku galeen. Meel kale oo buugga ka mid ah waxa ku dhigan dalal ku guuldarraystay in ay sameeyaan isbeddelo keena in ay dadkoodu si fiican u wada noolaadaan. Dalalkaa waxa ka mid ah Jarmalka, xilligii Naasiga. Waxa kale oo ka mid ah Yuguslaafiya, Ciraaq iyo Soomaaliya.

 

Buuggan "Hayaan” cilmi badan baa ku qoran, waxana laga faa’idayaa macluumaad kala duwan oo aqoonta guud ee qofka akhriya kor u qaadaya. Qoraagu Af-Soomaali wanaagsan oo qurux badan ayuu wax ku qoray, waxaanan in kasta oo ay badan yihiin ka soo qaadi karaa "fufka koowaad’, "fufka labaad”, ‘fufka saddexaad”, ‘Saddexgeesoodka lama taabtaanka ah”, "guura-gal” iyo "galabcarrow.” Mararka qaarkood khayaalka uu qofku sawiran karo ayuu kor u qaadayaa. Haddii aanay sidaa ahayn, marka uu "ummado mustaqbalka booqday” leeyahay maxaad ku macnayn lahayd?

 

Ugu dambayn, qoraaga buugga, mudane Cabdillaahi Beershiya, buuggaa xiisaha leh ee uu qoray - hawshaa qiimaha badan ee uu qabtay iyo aqoontaa mugga leh ee uu inoo soo gudbiyey ba, waan ku ammaanayaa.

 

W/Q: Axmed Iid Aadan

March 6, 2021

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...