Murti Laga Reebay Dad Maangal ah. Q….8aad

0
Thursday March 11, 2021 - 10:15:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murti Laga Reebay Dad Maangal ah. Q….8aad

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

=” Marka uu cimri igu siyaadaba waxa yaraada rabitaanka aan  u qabo maqlida waxa ay dadku ku hadlayaan ama ay naftayda ka sheegayaan waxaana igu filnaata in aan iska daawado ficillada ay sameynayaan aniga oo aan afkayga u furin”. Andrew Carnigie.



= " Saddex qof midkood hadday hortaada ku hadlaan ka aamus adiga oo aan hadalka ka joojin xumaanna aan u fahmin eryada afkooda ka soo baxaya: Waalidka, ilmaha yar iyo qofka werwersan, waayo gunta qalbiyadooda ayaa hadlaya kana turjumaya waxa laabtooda ku jira oo badhax tiran”. Al-Jahiz.


= " Masku wuxuu leeyahay maqaar aad u jilicsan, afkiisuna waa mid ay sun ka buuxdo. Sidaasi si la mid ah dadka qaarkii waxa ay leeyihiin carrab aad u wanaagsan iyo qalbi madow oo xaasid ah”. Lama garanayo cidda tidhi.


=” Gacantaada ku adkee bixinta sadaqada, maxaa yeelay sadaqada oo aad siiso kuwa u baahan waxa ay dhuuntaada korkeeda ku adkaysaa xadhiga aanay masiibadu kaaga soo gudbi Karin”. Ibnu Khayim.


=” Shakhsiyan wax arrin ah oo iga khuseeyaa ma jiraan niyaddaada wanaagsan haddii ay xun yihiin ficillada aad sameynayso, sidoo kale dan kama lihi quruxda ruuxdaada mar haddii uu carrabkaagu yahay mid la dhibsado marka uu dhawaaqayo”. Naguib Mahfouz.


=” Wax iga khuseeyaa ma jiraan muuqaalkaaga, ehelkaaga, xoolahaaga iyo mansabka aad ku taagan tahay; waxa keliya ee aan ku wada joogi karno waa shakhsiyaddaada, caqligaaga, akhlaaqadaada iyo damiirka aad leedahay oo ah waxa ugu weyn ee aan kugu ixtiraamayo haddii aad la timaado”. Ernesto "Che” Guevara.


= " Hab-dhaqanka qofka jaahilka ah waxa lagu gartaa inuu kuu jawaabo ka hor inta aanu ku dhegaysan mowduuca aad ka hadlayso, inuu ku mucaarado ka hor inta aanu fahmin ujeedadaada iyo inuu kugu xukumo wax aanu cilmi iyo ogaal toona u lahayn”. Lama garanayo cidda tidhi.


=” In aad igu farxad geliso hal eray oo wanaagsan inta aan noolahay waxa ay ka qurux badan tahay malaayiin kelmadood oo laygu faaniyo marka aan dhinta ka dib”. William Shakespeare.


=” In aad kula sheekaysato luuqadda Ingiriisiga shakhsi Carab ah oo kula mid ah, ma muujinayso in aad tahay qof saqaafad badan, balse waxa ay ku tusaysaa in aad tahay bashar jaahil ka ah luuqaddiisa iskana xarrimay quruxda afkiisa uu leeyahay”. Naguib Mahfouz.


=” Wiilkaygiiyow haddii calooshu ay dhergto waxa yaraada fikirka, waxa meesha ka baxa xigmada, jidhkuna wuxuu ka jeestaa cibaadada Alle. Sidaasi darteed cun wax yar, xusuuso qofka baahan, iskuna diyaari geerida oo ah midda aan la huraynin”. Luqmaan Al-Xakiim.


=” Waddanku waxa sida geed wanaagsan oo nacfi leh: kuma baxo meel kasta ilaa uu helo carro ay dadkiisu nafta u huraan, waxa lagu waraabiyaa dhiiga iyo dhididka qofka muwaaddinka ah”. Winston Churchill.


= " Haddii aad rabto inuu kordho jaceylka ay dadku kuu qabaan, wanaaji asluubtaada oo ku dadaal dhegaysiga hufan iyo aamusnaanta marka ay dadka kale hadlayaan”. Plato.


=” Nadiinfinta fasaadka iyo tirtiridda musuqmaasuqu waa sida adiga oo guri dabqa nadiifinaaya: waxaad ka soo billaabaysaa qaybta sare ilaa aad ka soo gaadho gunta hoose si aad u hubiso in aanay jirin wax gacantaada ka baxsaday.” Lee Kuan Yew.


=” Dhagaxu wuu ka culus yahay dheemanka waanu ka qiimo yar yahay xagga lacagta, sidaasi awgeed yaanay kula noqon wax walba oo miisaan leh inay mudnaan leeyihiin. Waxaad arkaysaa qof mujtamaca dhexdiisa magac weyn ku leh, mansab ku fadhiya, balse aan lahayn akhlaaq wanaagsan iyo naxariis uu ku kasban karo qalbiyada dadka ku hareeraysan, halka mid kale oo aan xoolo haysan ay dadku jecel yihiin una riyaaqaan la kulankiisa marka uu wakhtigu u saamaxo”. Lama garanayo cidda tidhi.


=” Wiilkaygiiyow qofkii dusha saarta culaysa aanu qaadi Karin wuu taag-darraadaa, kan naftiisa ay la weyaato wuu halaagsamaa, qofka dadka iska sarraysiiyaa wuu dulloobaa, kana an cidna la tashan wuu qoomamoodaa, qofka la fadhiista culumida caalim ayuu noqdaa, kan uu hadalkiisu yaraado caafimaadkiisa ayaa kordha.” Luqmaan Al-Xakiim.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

La soco…………………………

 

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...