Barkhad Batuun Ma Labeyn Doonaa Maxamed Biixi Shuuriye?
17/2/1960
waxa guud ahaan Soomaalilaan ka bilaabmatay doorashadii baarlamaan ee ugu
horraysay ee ay shicibku ku soo doorteen xubno gole sharci dejin ah. Waxa
doorashadaasi ku tartamayey saddex xisbi oo kala ahaa SNL, USP iyo NUF.
Aakhrikii waxa lagu dhawaaqay 33 xubnood oo ahaa kuwii ku guulaystay inay
noqdaan xubnihii baarlamaankii ugu horreeyey ee ay Soomaalilaan yeelato.
Xisbigii SNL ayaa helay aqlabiyadii xubnaha waxaanu helay 20 kursi, halka NUF
uu helay hal kursi iyo USP oo heshay 12 kursi. Sidaasi ayaa lagu kala baxay.
Xubnaha uu soo sharraxay xisbiga SNL waxa ku jiray Maxamed Biixi Shuuriya oo ka
soo jeeday beesha Gabooye, gaar ahaan Tumaal.
Wuxuu
noqday xubnihii ugu codka badnaa ee ka soo baxay Hargaysa. Hargaysi waxa ay
lahayd 7 degmo doorasho oo kala ahaa: Dumbuluq, Baanka, Sheekh Madar, Gabiley,
Faraweyne, Sallaxley iyo Cadaadley, sida ku xusan buugga Taariikhda Maantu waa
siyaasaddii shalay ee uu qoray Maxamed Cabdi Ismaaciil’ Digtoorka’. Maxamed
Biixi Shuuriye iyo Cabdilaahi Sheekh Muuse ayaa ka wada sharraxnaa Hargaysa
gaar ahaan waxa ay cododka ugu badan ka heleen degmo doorashada Baanka, oo
halka ilaa imika degmo doorasho ah ee Khayriyada u dhaw. Maxamed Biixi Shuuriye
wuxuu goobtaasi kaga adkaaday Cabdilaahi Sheekh Muuse oo wuxuu helay 2,488 cod,
halka Cabdilaahi Sheekh Muuse uu helay 0404 cod. Wakhtigaasi dadku sidan aad
bay u dhaameen oo qofka kartidiisa iyo aqoontiisa ayaa la eegi jiray, haatan se
qof kastaa wuxuu codkiisa siinayaa sida muuqata nin reerkiisa ah.
Haddaba
maanta su’aasha taagani waxa weeyi afhayeen Barkhad Batuun oo ka tirsan xisbiga
mucaaradka ah ee Waddani ma noqon doonaa sidii Maxamed Biixi Shuuriye uu
wacdaraha uga dhigay doorashadii baarlamaan ee dhacdy 61 sanno ka hor? Shaki
kama jiro inuu Barkhad muujiyey karti iyo soo shaacbax mudakar ah oo uu qayrkii
dhaamo. Laakiin waxa meesha iyana taalla dadku ma ugu hiilin doonaan inuu
fursad u helo inuu ku guulaysto boos xilidhibaannimo? Waxa iyana meesha ku
jirta xeeladda iyo farsamada uu Barkkhad ku kasban karo taageerayaal ka badan
kuwa deegaankiisa ah sidii uu sameeyey adeerkii Shuuriya. Waynu se u wada jooji
doonaa wixii xiga.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!