Ma Corona Ayuu U Geeriyooday Madaxweyne Cali Mahdi?

0
Thursday March 11, 2021 - 08:33:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Corona Ayuu U Geeriyooday Madaxweyne Cali Mahdi?

    "Afar ama shan cisho kahor ayuu xanuun kusoo booday isaga iyo xaaskiisa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Afar ama shan cisho kahor ayuu xanuun kusoo booday isaga iyo xaaskiisa"

Cali Mahdi Maxamed, oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.




Yaxya Caamir oo kamid ah dadka aadka ugu dhawaa madaxweynaha ayaa BBC-da u sheegay in Cali Mahdi ilaa afar cisho kahor la keenay magaalada Nairobi kadib markii isaga iyo xaaskiisaba ay xanuunsadeen.


"Afar ama shan cisho kahor ayuu xanuun kusoo booday isaga iyo xaaskiisa, Isbitaalka Nairobi hospital ayaa la geeyay, marka hore waxaan uga shakinay cudurka corona balse dhaqtarka wuxuu inoo sheegay in labaduba uusan heynin corona", ayuu yiri Yaxye Caamir.


Waxaa kale oo uu sheegay in neefta ay ku dhageysay, dhaqtarkuna uu ka deyriyay xaaladiisa saacadihii lasoo dhaafay.


Isbitaalka la geeyay ayuu sheegay in uusan ahayn mid la geeyo bukaanada feyraska qaba Corona.

 

Yaxye waxaa kale oo uu sheegay in xaaska Cali Mahdi ay wali ku jirto isbitaalka. Geerida Cali Mahdi ayaa waxaa ka tacsideeyay mas'uuliyiin hore iyo kuwa hadda xil haya dalka.


Mas'uuliyiinta ugu sarreeya dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadaysay geeridii ku timid Allaha unaxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.


Dowladdu waxaa ay sheegtay in muddo sedax cisho ah loo sameyn doono baroordiiq iyadoo calanka Soomaaliyana hoos loo dhigi doono si loo muujiyo murugada geerida madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.


Sidoo kale dowladdu waxaa ay sheegtay in loo saarayo guddi ka shaqeeya aas -qaran oo loo sameynayo marxuumka. Cali Mahdi wuxuu xilka madaxweynaha qabtay kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991-kii.


Mar kale ayaa loo aqoonsaday in uu xilkaas sii hayo, waxaana ugu dambeyn sanadkii 2000 baddalay Cabdiqaasim Salaad Xasan.

 

BBC

Loading...
Loading...