Dal Ay Laba Raysal Wasaare Ka Geeriyoodeen Sanad Gudihiii

0
Thursday March 11, 2021 - 08:28:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal Ay Laba Raysal Wasaare Ka Geeriyoodeen Sanad Gudihiii

    "nin qaran, oo tusaale wanaagsan u ahaa dhalinyarada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"nin qaran, oo tusaale wanaagsan u ahaa dhalinyarada"

Ra'iisal wasaaraha Ivory Coast, Hamed Bakayoko, ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaal dalka Jarmalka, sida ay shaacisay xukuumadda waddankaas.




Bakayoko, oo laga daweynayay xanuunka Kansarka ayaa geeriyooday Arbacadii, maalmo uun kadib markii uu 56 jirsaday.


Waxaa ra'iisal wasaare loo magacaabay bishii July ee sanadkii hore, kadib markii geeri degdeg ah ay ku timid ninkii jagadaas hayay, Amadou Gon Coulibaly.


Madaxweynaha Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa ku tilmaamay Bakayoko "nin qaran, oo tusaale wanaagsan u ahaa dhalinyarada, isla markaana lahaa daacadnimo aad u saraysa".


Bishii February ayaa loo qaaday dalka Faransiiska si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad, waxaana markii dambe loo wareejiyay Jarmalka xaaladdiisa oo cuslaatay awgeed.


Hamed Bakayoko oo ka soo shaqeeyay warbaahinta ka hor inta uusan ku biirin siyaasadda, ayaa dowr muhiim ah ka cayaaray dhexdhexaadinta dhinacyadii isku hayay dagaalkii sokeeye ee Ivory Coast ka dhacay intii u dhexaysay 2002 ilaa 2007.


"Waxa uu ahaa nin si weyn uga dhex muuqda siyaasadda waddanka, dowr muhiim ah ka qaatay dib u heshiisiinta Ivory Coast. Waa geeri naxdin leh," ayuu yiri Issiaka Sangare, afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Ivorian Popular Front, oo u warramay wakaalada wararka ee AFP.


Taariikhda siyaasadeed ee Hamed Bakayoko

Bakayoko ayaa horraantii sagaashamaadkii isaga haray barashada culuunta caafimaadka, waxaana uu samaystay wargeys lagu magacaabo Le Patriote, kaas oo u sahlay inuu xiriir la yeesho siyaasiyiinta Ivory Coast.


Sanadkii 1993, waxa uu madax ka noqday idaacadda Faransiiska laga leeyahay ee Nostalgie qeybteeda Ivory Coast, todobo sano kadibna waxa uu noqday mas'uulka idaacaddaas u qaabilsan Afrika oo dhan.


Sanadkii 2003 ayaa loo magacaabay wasiirka isgaarsiinta, xilkaas uu hayay illaa ay ka dhacday doorashadii muranka dhalisay ee 2010, taasoo horseeday colaad sokeeye kadib markii uu natiijada diiday madaxweynihii hore, Laurent Gbagbo.


Markii ay colaadda dhamaatay, ayaa madaxweyne Alassane Ouattara waxa uu Bakayoko u magacaabay wasiirka arimaha gudaha, xilkaas oo uu hayay muddo 6 sano ah.


Gadood ay ciidamada sameeyeen sanadkii 2017 ayaa horseeday in uu wareejiyo hawlihii difaaca ee qeybta ka ahaa wasaaraddiisa, si isbedal ballaaran loogu sameeyo ciidamada.


Doorashadii baarlamaanka ee Sabtidii ka dhacday Ivory Coast, ayaa Bakayoko waxa uu helay 90% codadkii laga dhiibtay degmada Seguela, sida ay muujinayso natiijada la shaaciyay Axadii.


Ra'iisal wasaaraha geeriyooday ayaan ka qeyb qaadan ololihii doorashada baarlamaaniga ee Ivory Coast.

Bakayoko ayaa isku hayay xilalka ra'iisal wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhigga ee Ivory Coast.


Patrick Achi ayaa loo magacaabay ra'iisal wasaare ku meel gaar ah, halka Tene Birahima Ouattara oo la dhashay madaxweynaha loo magacaabay inuu sii hayo xilka wasiirka gaashaandhigga.

 

BBC

Loading...
Loading...