Hargeysa:-Dugsigii Labaad Oo Ardaydiisu Mudaharaad Xoog Leh Sameeyeen Todobaad Gudihii Iyo Xukuumada Oo Amaro Culus Soo Rogtay

0
Wednesday March 10, 2021 - 18:44:21 in News by
  • Visits: 1488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:-Dugsigii Labaad Oo Ardaydiisu Mudaharaad Xoog Leh Sameeyeen Todobaad Gudihii Iyo Xukuumada Oo Amaro Culus Soo Rogtay

    Hargeysa:-Dugsigii Labaad Oo Ardaydiisu Mudaharaad Xoog Leh Sameeyeen Todobaad Gudihii Iyo Xukuumada Oo Amaro Culus Soo Rogtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa:-Dugsigii Labaad Oo Ardaydiisu Mudaharaad Xoog Leh Sameeyeen Todobaad Gudihii Iyo Xukuumada Oo Amaro Culus Soo Rogtay

Hargeysa(HWN):-Dugsiga sare ee Salaama oo ah mid kamida dugsiyada gaarka looleeyahay ee kuyaala magaalada Hargaysa, ayaa burbur soo gaadhay kadib markii arday wax ka baranaysay ay mudaharadeen.




Sababta dhabta ah ee dhalisay muharadka ardayda, ayaa baadhis lagu hayaa sida uu sheegay wasiirka waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye Toorno.

Sidookale waxa xabsiga loo taxabay maamulihii dugsiyada Salaama kadib markii uu mudaharadku dhacay.

Wasiir Toorno ayaa sheegay in dugsiyada gaarka looleeyahay ay ardayda ku qasbaan in ay iibsadan buugaag ay iyagu leeyihiin.

"Buugaag aan ahayn kuwa wasaaradu daabacday oo uu xor uyahay haduu iibsanayo lama odhankaro iskuulka ayaad ka iibsanaysaa” ayuu yidhi wasiir Toorno.

Wasiirka ayaa sidookale sheegay in ardayda lagu qasbo in xataa nusasaacaha ay tukaan dusigu leeyahay ka iibsadaan.

"Ardaygu nusa-saacaha markuu usoo baxo haduu lacag sito iskuulka halka ku xigta ayuu ka iibsanayaa, laakiin in albaabaka lagu xidho oo la yidhaahdo maqaaxida iskuulka mid aan ahayn kama iibsan kartid, waar niman kani xagay ka yimaadeen dadka ma idinka ayaa leh” ayuu yidhi wasiir Toorno.

"Ilahay baa leh dadka suuqa xorta ah ee Somaliland wuxu sheegaya in meeshaan doono aan ka iibsado, walahi way dhamatay intii laysku dul qaadanayay” ayuu wasiirku hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka ayaa dugsiyada gaarka looleeyahay ku tilmamay jabhad kasoo horjeeda dawlada.

"Nimanka intay Whatsapp guruub ku shiraan yidhaahda sida aan yeelo, ee isku haystaa awood dawlada kasoo horjeeda, waa jabhad baanu leenahay” ayuu yidhi wasiir Toorno.

Saddexdii bishan Maarso ayuun bay ahayd markii ardayda wax ka barata dugsiga sarre ee Nuradiin ay sidan oo kale u burburiyeen dugsigoodi.

Ardayda ayaa ka cabanaysa tacadiyo ay sheegay in ay kula keceen dugsiyadani.

Loading...
Loading...