Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Ku Samaynaya Xukuumadiisa Iyo Xilalka Banaan Ee Layska Casilay

0
Wednesday March 10, 2021 - 18:38:28 in News by
  • Visits: 3252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Ku Samaynaya Xukuumadiisa Iyo Xilalka Banaan Ee Layska Casilay

    Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Ku Samaynaya Xukuumadiisa Iyo Xilalka Banaan Ee Layska Casilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Ku Samaynaya Xukuumadiisa Iyo Xilalka Banaan Ee Layska Casilay


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu dhawaan isku shaandhayn ku samaynayo Xukuumaddiisa.

Madaxweyne Muuse Biixi oo kala laabtay Heshiiskii Shirkadihii Samaynjiray Lambarada Baabuurta & Buugaagta Gawaadhida – CBATV


Ma jiro War rasmiya oo Madaxtooyadu ku shaacisay arrintaasi, laakiin ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan isku shaandhaynayo Xukuumaddiisa isla-markaana uu ku soo darayo Wejiyo cusub.


Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Madaxweynuhu uu Xukuumaddiisa ku soo darayo Weji cusub, kuwaasi oo qaarkood buuxin doonaan Jagooyin ay banneeyeen Masuuliyiin Xukuumadda ka mid ahaa, balse Toddobaadkii hore isku casilay inay ka qayb-galaan tartanka doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan inay dalka ka dhacdo 31-ka bisha 5-aad ee sannadkan 2021.


Waxa la sheegay in Madaxweynuhu uu sidoo kale eryi doono qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, qaarkood u beddeli doono Wasaarado kale, halka uu Wasiirro cusubna soo Magacaabi doono.


Xilligan, waxa bannaan Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda, ka dib markii uu is casilay Wasiirkii wasaaraddaasi Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada, waxa kale oo bannaan Afhayeenka Madaxweynaha, ka dib markii uu iscasilay Afhayeenkii hore Maxamuud Warsame Jaamac, waxa kale oo Xilal dhowr ahi ka bannaan yihiin Hay’adda Waddooyinka Qaranka, ka dib markii Masuuliyiinta Hay’addaasi badankoodu isku Casileen.


Loading...
Loading...