"Farmaajo Wakhtigiisii Wuu Dhacay, Dal Uu Ka Taliyo Ma Jiro, Dalkeenana Nidaamka Iyo Kala Dambayn Dawladnimo Ayaa Ka Jira…"

0
Wednesday March 10, 2021 - 17:36:44 in News by
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Farmaajo Wakhtigiisii Wuu Dhacay, Dal Uu Ka Taliyo Ma Jiro, Dalkeenana Nidaamka Iyo Kala Dambayn Dawladnimo Ayaa Ka Jira…"

    "Farmaajo Wakhtigiisii Wuu Dhacay, Dal Uu Ka Taliyo Ma Jiro, Dalkeenana Nidaamka Iyo Kala Dambayn Dawladnimo Ayaa Ka Jira…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Farmaajo Wakhtigiisii Wuu Dhacay, Dal Uu Ka Taliyo Ma Jiro, Dalkeenana Nidaamka Iyo Kala Dambayn Dawladnimo Ayaa Ka Jira…"


Hargeysa(HWN):-Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar oo ka mid ah Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, Xukuumaddii hore Axmed Siilaanyana ka soo qabtay xil wasiirnimo ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya aanay isku xaaladda iyo isku derajo midna ahayn, Xukuumadda Farmaajana uu wakhtigeedii dhacay.




Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar, oo u warramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku saabsan khudbaddii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka hor jeediyey labada Gole, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Somaliland iyo Soomaaliya isku xaalad maaha, isku derajana ma joogaan, maxaa yeelay xaaladda Soomaaliya waynu aragnaa siday tahay iyo in aanay ka talin Dawlad kalsooni shacabkeeda ka wadata, Farmaajana wakhtigiisii wuu dhacay, dal uu ka taliyo ma jiro, dalkeenana nidaamka iyo kala dambayn dawladnimo ayaa ka jira, nabad buuxda ayaa dalkeena ka jirta, dimuqraadiyad baa ka jirta, ALLENA ha inoo siyaadiyo”.

Mar uu ka hadlayey khudbaddii Madaxweynaha wuxuu yidhi "Madaxweynuhu wuxuu Goleyaasha ka hor jeediyey khudbad qiimo leh, oo dhinaca kasta leh, xaaladda uu dalku marayana si fiican oo faah-faahsan buu uga hadlay, waana ku hambalyeynayaa Madaxweynaha khudbaddaas qiimaha badan ee uu soo jeediyey”.


Loading...
Loading...