Madaxwayne Afrikaan Ah Oo Ku Guulaystay Abaalmarin 5 Milyan Oo Doolar Ah

0
Wednesday March 10, 2021 - 17:33:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Afrikaan Ah Oo Ku Guulaystay Abaalmarin 5 Milyan Oo Doolar Ah

    "Haddii aan wax shalayta ah qabo, waxaan inaan nasiib darro ah in aan weli nahay dhibanayaashii weerarrada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii aan wax shalayta ah qabo, waxaan inaan nasiib darro ah in aan weli nahay dhibanayaashii weerarrada"

Si uu ugu guuleysto Abaalmarinta, Ibrahim ee hoggaamiyeyaasha Afrika ee sannadka 2020 iyo lacag gaareysa $5 milyan oo doollar, Madaxweynaha Niger, Mahamadou Issoufou, waxaa looga baahnaa in uu xilka ka tago.



Go'aankiisa ah inuu xilka ka dego markii uu muddo xileedkiisa dhamaystay ayaa ka dhigan in Niger ay yeelan doonto kala guurkii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah u dhaca tan iyo markii ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska in ka badan 60 sano ka hor.


Balse taasi ma ahayn sababta kaliya ee loo siiyay abaalmarinta, guddiga abaalmarinta ayaa ku ammaanay hoggaamintiisa ka dib markii uu si wanaagsan u maamulay mid ka mid ah wadamada ugu saboolsan dunida.

Wuxuu kor u qaaday dhaqaalaha, wuxuuna muujiyey xasilloonida gobolka iyo dastuurka, wuxuuna u ololeeyey dimuqraadiyadda Afrika".


Muddo sanado ah waxaa la waayay hoggaamiye Afrikaan ah oo u qalma abaalmarinta, sida guddiga xulista sameeya laga soo xigtay.


Haddii 68 sano jirkan uu doonayo inuu xukunka sii hayo, wuxuu ku dayan karay madaxda kale ee Galbeedka Afrika kuwaas oo ku guuleystey in dastuurka la beddelo si ay wakhtiga xilka u sii dheereystaan.


"Waxan ixtiraamayaa dastuurka. Waxan ixtiraamayaa balanqaadkii aan u sameeyay dadka reer Niger oo i siiyay sharafta aan ku hoggaaminayo laba jeer. Go'aankan wuxuu la jaan qaadayaa xukunkayga iyo aragtidayda la xiriirta sida mustaqbalka dimoqraadiyada Niger uu noqon karo," Ayuu yiri.


Waxa kaliye ee uu ka shalaynayo

Niger waa waddanka ugu saboolsan adduunka, marka loo eego qiimeynta horumarka ee Qaramada Midoobay, waana dal ay dhibaatooyiin ka haystaan abaaro soo noqnoqday, kacdoonno iyo saboolnimo baahsan.


Waxa dhawaan ka dhacay laba isku dhac dagaal, sida kacdoonnada jihaadiyiinta ee dalalka deriska ah ee Burkina Faso, Mali iyo Nigeria, wwaxaana ka dhashay barakicinta boqolaal kun oo qof oo ka cararay guryahooda.


Kooxaha xiriirka la kala leh al-Qaacida, Ururka isku magacawda Dawladda Islaamka iyo Boko Haram ee Nigeria ayaa dhammaantood jooga Niger, laakiin marka la eego tirada guud ee weerarada iyo dhibaatooyinka ka soo gaaray ayaa ka yar kuwa deriska la ah.


Madaxdii horay ugu guulaysatay abaalmarimta Ibrahim

  • Ellen Johnson Sirleaf - Liberia (2017)
  • Hifikepunye Pohamba - Namibia (2014)
  • Pedro Pires - Cabo Verde (2011)
  • Festus Mogae - Botswana (2008)
  • Joaquim Chissano - Mozambique (2007)

.

Balse halista xagjirka ah ee Islaamiyiinta waa meesha keli ah ee uu ka shalaynayo Mr Issoufou, oo isku diyaarinaya inuu wareejiyo xilka bisha soo socota, ka dib 10 sano oo xiriir ah uu xafiiska joogay.


"Haddii aan wax shalayta ah qabo, waxaan inaan nasiib darro ah in aan weli nahay dhibanayaashii weerarrada argaggixisannimo. Laakiin waxaan jeclaan lahaa in aan halkan ku adkeeyo in meelaha ugu badan ee argagixisada aysan ka jirin Niger.


"Argagixisada waxay ka yimaadeeen wadamada deriska. Markaan eegno waxa la qabtay xitaa marka laga hadlayo arintaan, waa wax cajiib ah," ayuu yiri.


Mr Issoufou wuxuu sidoo kale isku dayay inuu wax ka badalo caasimada dalkaas ee Niamey oo uu ka hirgeliyay wadooyin cusub, hoteello iyo xarumo lagu kulmo.


Balse dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in qeybaha kale ee dalka aysan ka faa'iideysan maalgelinta noocaas ah.


Waxay sidoo kale wajaheysaa caqabado dhaqaale, maadaama dhoofinta ugu weyn ee maadada yuraaniyamka ay saamaynayso qiimaha lacagta oo hoos u dhac ku yimid.


Hawsha ah in la sii wado wax kasta oo talaabo ah oo uu qaaday Mr Issoufou ee kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga waxay madaxa ka saaran tahay hoggaamiyaha la doortay, Maxamed Bazoum, oo ku guuleystay doorashadii Febraayo.


Mr Bazoum waxaa la gudboon in uu la tacaalo kacdoon laba dhinac ka socda iyo mucaaradka oo u arka in uusan ahayn kan sharci ahaan ku guuleystay doorashada.


Mr Issoufou, oo lagu amaanay inuu "ku hoggaamiyay dadkiisa wadada horumarka" waxaa lagu xasuusan doonaa inuu ahaa ninkii ka caawiyay Niger in ay sare u qaaday sumcadda dalka oo aysanna raacin waddada "waddamada Galbeedka Afrika ee inqilaabka u nugul", waana dhaxal sii socon doona xitaa haddii uu ku guulaystay $5 milyan oo doollar.

 

BBC

Loading...
Loading...