Future iyo Irshaad: Dugsiyo U Habrada Dugsiyo Kale Oo Aan Bannaanbaxooda Sugayo!

0
Wednesday March 10, 2021 - 13:09:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Future iyo Irshaad: Dugsiyo U Habrada Dugsiyo Kale Oo Aan Bannaanbaxooda Sugayo!

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

2012ka ayaan doonay in aan u shaqo tago dugsiga sare ee Future oo ay ka bannaanayd dhigista maaddooyinka Bayoolaji iyo Kimistari. Dhawr cisho ayaan iskuulka tegay, waxaanan geeyay waraaqo muujinaya waayo-aragnimayda shaqo ee wax-dhigista. Habka loo kala saarayo macallimiintu waxay ahayd in tijaabo lagaga qaado xiisado ay ardayda u galaan. Waxa maamule ka ahaa Cabdinaasir oo aanu xitaa isku ardaa ahayba.



Wuxuu ahaa macallin gelinka dambe wax ka dhiga machadka Cumar Binu Khaddaab. Inaan halkaas ka soo eryo ayaa i seegtay. Mulkiiluhuna waa Xuseen Cumar Gidhigidhi oo abti iigu beegnaa. Nin ku wanaagsan iibinta sibidhka, jiingadaha, looxyada iyo agabka dhiska ayaa dugsi iska furanaya oo u dhiibanaya aqoonyare aan shahaado sidan.


Maalmihii hore waa la isoo dhaweyn jiray, haddana weji-dadab baan dareemay. Ma guddi xaqiiqo raadin ah baa la ii diray? Ma cid ayaa wardoon tagtay? Ma cid kale ayaa la qaatay?


Ugu dambayn sheekadan ayaa na dhex martay maamulihii dugsiga:

"Kuma shaqaalayn karno, tijaabana kaama qaadaynno”

"Maxaa dhacay?”

"Iskuulka Nuuraddiin ayaad isku dhacdeen”

"Miyaanay ahayn in la hubiyo kaayaga gardarrada lahaa?”

"Maya walaal, naga raalli ahaw. Sidaa ayuu Mulkiilihi yidhi”


Maamuluhu uma madax bannaana shaqada iyo xulashada macallimiinta. Hantiilaha ayaa yeedhinaya. Xuseen Cumarna wuxuu yidhi "Go’aanka cid lagu qaadanayo waxa leh maamulka dugsiga”. Mar dambe ayaan 2014kii doonay inaan Alirshaad u shaqo tago, bil ayaan buuxin ahaan wax ugu dhigay ardayda fasallada 3aad iyo 4aad, waana ay igu qanceen. "Iskuul hore ayaad isku dhacdeen” baa la yidhi.


Awalba dugsigan waxa dhagax dhigay Xasan Sheekh Maxamuud intii aanu MadaxweynahaSoomaaliya noqon, waxaanay noobeen dhulkii dugsiga hoose dhexe ee Cabdiraxmaan Gadhyare oo Masallaha ku yaalla sida ay maamulaha dugsigaasi sheegtay. "Free Future and Irshad” baan leeyahay. Dib dambaysa shaqo ugama raadsan dugsi gaar ah.


Ii soo sheega marka halganku u soo gudbo Maxamuud Haybe kkkk ardayda Future iyo Alirshaad ayaan kala qaybqaadanayaa bannaanbaxa insha Allah.

 

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...