Haday Ribatoo Ruugagu Murxeen ( Abdi-Shotaly),
Ujeedo iyo haatan waxan maanta u soo qalin qaatay, in aan is weydiino su'aasha ah " Muxuu Geenyo Shaaximani ka doonay Gar-adag?" Ilayn muu tegin markii shan cisho horteed, ay askarta la dilay u qaylo dirteen, ee ku ay yidhaaheen, Waa nala hayaa ee gurmad ha naloo soo diro? kolkay nabad raadintu joogtay, ee aanay wax-ba dhicin, la lahaa kaalay wax ka qabo, waa kii Geenyo ka fureystay Dhegaha, indhaha-na ka xidhay, ee yidhi ka loo yeedhayaa aniga maaha. Wuxuu markaa qaban waayey ee uu ka badheedhay, maanta ka socon mayso marmar-siiyo iyo kiis iska waal, ee uu balaayadda loogu baaqaayo in ay jirto uu u baajin waayey? Ma hadda oo laba nafood ku go'een buu nacasnima-diisa, sheeko rakhiis ah uu rabaa in uu ku daweeyo, waakan ka halaya hadeer gar-adage, isagoo isku sheegaaya in uu yahay, Wasiirkii gudaha e, Saw maaha dameertu geela ha iga didisee, weliba way ii qururuf leedahay? Isaga baa ugu tallo galay sidatan, sababta oo ah waxay ka talin jireen cadaalad iyo sinaan, oo way u xaq-soori jireen ummadda, isna taas baanu ogolayn oo aanu rabin. ilayn dani uguma jirtee. Wuxu doonayey qaar ka soo jeedda maamulka jeegaanta, oo beelaha meesha wadda degan isku sii fidmeeya).
Waxa Kaloo la yaab leh, waxa gobolka dhan loogu soo rogay in la kala xidho, wax ay ku sheegeen Bandoo, waa talaaboo-yinkii keliggii taliye lagu yaqaanay iyo edeb daraddii maamul askareed, Bal is waydii oo mudo afar sanadood ah baa Ceel-af-weyn dagaal ka socday, ( Waa Geenyo Shaaximane iyo been madawe), ee maxaa loogu soo rogi waayey Bandooga, ee ay hadda askartu la bacaac leeyihiin. waa taladdii ay goos-teene, taas oo ah in la dilo wixii cadaalad ka taliya, aan si kooban kuu siiyo'e, waxay tahay arintu akhristaw " Bandooga hadeer la sheegaayo, waa mid in gaar ah lagu ilaalinayaa", Afartii sanee hore iyana waxa la doonaayey, in dad gaar ah lagaga raro aagaas, maxaa markaa loogu soo rogi waayey, ilayn waad ogayd oo waatii tuulooyin dhan cagata la mariyey ee la masaxaye, oo wax aanay yuhuudu ku kicin ama samaynin lagula kacay, waa tii Masaajidaddii laga burburiyeye. marka aad taariikh-dda dib u jaleecdo, mudadda intaas le'eg, may jirin ilaalinta imika la leeyahay wax baanu ka qabanaynaa, waa riyo neefaaq iyo in lagu dejiyo Samaroon, cid la soo qabna-yaana ma jirto, ee waa dambabas iyo raad gadasho, is tus iyo marmar-siiyo, Ugu dambayn waa in askari waliba uu diido gobol kale in loo diro, ee wa isu hoos gelin aanay wax-ba ka jirine. cirka ha isku shareerto, oo ciddii wax ku qabtay-ba haku waydo, bal cidda ay caano ka daataan,.
* N.B Tallo Xumaa Tahan Kaa Tuurta!
Qore:- Abdi-shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!