Maxay Yihiin Caqabadaha Ay Deriska La Noqdeen Haweenka U Halgamaya Inay Cadaalad Ka Helaan Maxkamadaha Somaliland?
8 March, Maallinta Haweenka Adduunka, waa xusuusin waxa bulsho kasta ay tahay inay sameyso, si wada jir ah, si ay uga tarjumaan caqabadaha haweenka ka celinaya inay si buuxda ugu raaxeystaan xuquuqda iyo fursadaha uu sharcigu siiyey iyo bayaannada siyaasadeed. Meel kasta oo ay adduunka kaga nool yihiin, isbaarooyinka haweenka iyo gabdhaha ay la kulmaan waa isku mid, heerarkoodu haba kala duwanaadaane - awood la’aan dhaqaale iyo mid siyaasadeed, caqabado xagga sharciga ah, dhinacyada waxbarashada oo aan loo sinneyn iyo takoorka / eexda oo ku saleysan dhaqanka iyo in la ixtiraamo hanaanka ay diinto soo jeedisay.
Bayaankan ay maanta soo saartay, Horizon Institute waxa aad loogu faahfaahiyey sida ay dhibaatooyinka aqoon darada iyo faqriga haysta Haweenka reer Somaliland kuwaasi oo taga maxkamada iyagoo ka cabanaya dhibaatooyin qoys, raadinayana furniin, xanaanaynta caruurta iyo in ay dalbadaan nafaqadii caruurtooda, balse ay la kulmaan niyad-jab iyo geeddi socod aad u qaaliya.
Laga soo bilaabo shaqadii iskugu jirtay cilmi baadhista iyo taakulaynta sharciga ee toddobadii sano ee la soo dhaafay, Horizon waxay ogaatay in haweenka Somaliland ay si weyn uga doorbidaan maxkamadaha nidaamka dhaqanka, Sababtuna ay tahay in maxkamaduhu yihiin goob ay kaga hadli karaan waxa ay ka cabanayaan iyagoo afkooda ku hadlaya. Si kastaba ha noqotee, xaqiiqda qallafsan, waa inaad ka hor hadasho maxkamadda oo ah meel ay gabi ahaanba rag xukumaan, markaad tahay haweeney aan haysan wax dhaqaale ah, aan aqoon lahayn, aan cilmi u lahayn sida ay maxkamaduhu u shaqeeyaan iyo islamarkaana aan helin caawimaad sharci, waa hawl culus .
In loo baddelo khibradda dumarku u leeyihiin nidaamka caddaaladda ee rasmiga ah dhinac togan ee wanaagsan waa masuuliyad saaran ragga iyo Haweenka reer Somaliland labadaba, iyada oo ay weheliyaan tabaruucaad wax ku ool ah oo laga helayo hay’adaha deeq bixiyayaasha, ururada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya waaxda caddaaladda. Waa wax aan caqli gal ahayn, oo aan waaqic ahayn, in laga fisho in haweenay kasta oo u soo adkaystay awood darrada iyo eexda aynu kor ku soo xusnay inay noqoto mishiinka dhaqaajinaya inuu isbadel yimaado. Bayaanka Horizon waxa uu soo jeedinayaa dhawr tallaabo oo macquul ah, oo ay ku jiraan magacaabida garsoorayaal Haween ah, taasi oo kor u qaadaysay niyadda Haweenka maxkamada u yimaada dacwadaha qoyska.
Si aad u akhridid bayaanka, guji halkan.
Hay’adda Horizon waa Urur Maxalli ah oo ka hawlgala Somaliland kana shaqeeya sidii loo horumarin lahaa sarreynta sharciga iyo xuquuqal insaanka. Warbixinaha iyo daraasadaha aanu soo saarnaa waxa ay daah-furaan arrimaha taaggan ee lagu ogaaday shaqada aanu qabano. Waxa ay bixiyaan xog iyo gorfeyn loogu tallo galay in ay cariso doodda ka dhaxaysa daneeyeyaasha, dadweynaha iyo deeq-bixiyaasha iyo in ay kor u qaado siyaasadaha xukuumadda iyada oo lagu salaynayo qadarinta xuquuqal insaanka, sarraynta sharciga iyo dhiirigelinta isku filaanshaha.
Si aad wax badan uga ogaatid hawsha aanu qabano, fadlan booqo degalka internet-ka aanu ku leenahay ee www.thehorizoninstitute.org nagala socda Twitter @Horizon_SL iyo Facebook @HorizonInstituteSomaliland.
Wixii macluumaad dheeraad ah ee aad u baahan tahay, waxa aad nagala soo xidhiidhi kataa email-ka [email protected] iyo telefoonada +252 523603 / 0634717933