'' Waxaan Haystaa Buug Cad Oo Nadiifa ''.

0
Monday March 08, 2021 - 08:30:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Waxaan Haystaa Buug Cad Oo Nadiifa ''.

    W/QAhmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/QAhmed Nour Guruje

Qof waliba marka uu iska wato noloshiisa gaarka ah ee aanu haynin xil umadeed wuxuu haystaa Buug cad oo nadiifa wax madmadow iyo qaladaad ihina aanay ugu oolin , hassa yeeshee marka qofku soo galo nolosha caamka ah Buugaa cad ee xaashiyihiisu madhan yihiin wuu buuxsamaa ,waxaana ka baxsuuma shar iyo khayr qof waliba waxa uu ku qorto .



Buugaas isagga ah , qof waliba isagga ayaa gacanta ku haya qalinka laggu qorayo buugiisa , gacanta keliya ee Buugaas wax ku qoraysaana waa gacantiisa , hassa yeehee Buugaas waxaa xor u ah in ay Akhirstaan dadka oo dhan , kuwaasoo ku akhriyi doona meel aanu joogin qofka Buuga qoray , xili aanu joogina akhri doona si aan lagala tashana u akhriyi doona .


Hadaba Buugaas isaga ah oo la yidhaahdo Diiwaanka Taariikhda qof walba wuxuu u bilaabmaa markuu soo galo noloshaa guud , qof walibana wuxuun buu jaanis u haystaa in uu wax ku qoro buugiisa laakiin qof na ma heli karro fursad uu wax kagga masaxo Buugiisa , maxaa yeeley Buugu wixii ku qormaa waa taariikh , taariikhduna ma baabado lamana masaxo .


Sidaa markay tahay , maanta sidda dad badan oo ila mid ah waxaan haystaa Buug cad oo nadiifa , Buugaas oo aan waxba iigu qornayn hassa yeeshee aan hubo in waayuhu buuxin doonaan oo aanu sidaa u madhnaan doonin , sidaa darteed waxaan diyaar u ahay in aan Buugaygaa nadiifta ah ilaashaddo oo aanan marna ku qorin wax aan hadhoow ka marugoodo If iyo Aakhiraba . Alle ha ina asturo .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...