"Lixdankii Waxa Ina Kharibay Waxay Ahayd Hoggaan Xumo, Maantana Waxa Halkaa Somaliland Dhigay Waa Hoggaan Xumo.."

0
Sunday March 07, 2021 - 08:58:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Lixdankii Waxa Ina Kharibay Waxay Ahayd Hoggaan Xumo, Maantana Waxa Halkaa Somaliland Dhigay Waa Hoggaan Xumo.."

    "Wasaaradaheena ma jiro Wasiir qudha oo aad is leedahay Shaqadaa wuu ku habboon yahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasaaradaheena ma jiro Wasiir qudha oo aad is leedahay Shaqadaa wuu ku habboon yahay"

Hargeysa (HWN) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland ay jirto Qorshe la’aan siyaasadeed oo dhinaca Xukuumadda ah, taasina tahay waxa dalka dib uga dhigay inuu horumar muuqda sameeyo.

 

Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeediyey Munaasibad uu Xisbigiisu ku soo dhaweeyay Musharraxiin u tartamaya Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in lixdankii ay Hoggaan xumo kharibtay Shacabka Somaliland, maantana ay Somaliland ka jirto Hoggaan xumo.

 

Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  "Lixdankii waxa ina kharibay waxay ahayd Hoggaan xumo, Maantana waxa halkaa inna dhigay waa Hoggaan Xumo, Dadka waxa is dhaafayaa waa Hoggaanka, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hoggaan wanaagsan ina siiyo.”

 

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu dhaliilay habka loo Magacaabo Wasiirrada iyo Wasaaradaha "Wasaaradaheena ma jiro Wasiir qudha oo aad is leedahay Shaqadaa wuu ku habboon yahay, Qof qudha oo Wasiir ah oo hore meel Shacab ka soo shaqeeyay ma jiro, gidigood Dad aan cilmi lahayn ayaa loo dhiibay, taa waxa ka daran ma lihin Siyaasad Qaran oo uu Wasiirku ku shaqeeyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Nidaamka aynu qaadanay, Madaxweynuhu wuxuu la yimaaddaa qorshe siyaasadeed, siyaasadda Arrimaha dibedda, ta dhaqaalaha, ta Bulshada, ta difaaca, kuwaa midna ma lihin, sidaas baynu u meeraysanaynaa, wakhtigii ayaynu iskaga luminay yooyootan, hebel xumee iyo hebel ku jiqsii..”


Loading...
Loading...