Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Beenisay War Laga Baahiyay
Hargaysa (HWN) Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Ahmed Abokor ayaa beeniyay war laga baahiyay wasaarada Waxbarashada oo sheegayay in la fasaxayo goobaha Waxbarashada.
Agaasiha ayaa sheegay in warkaasi yahay war been ah, waxaanu sidaasi ku
sheegay agaasimuhu qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook-ga, oo
uqornaa sidan:-
Warka sheegaya in Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland fasaxayso goobaha Waxbarashadu waa waxba kama jiraan iyo been abuur aan sal iyo raad toona lahayn, mana jirto meel ay Wasaaraddu ku sheegtay in dugsiyada la fasaxayo.
Baadhista kiiskan waxaannu la wadaagnay hay'adaha ku shaqada leh, ciddii ay ku caddaato in ay been abuurka caynkan ah samaysayna waxa laga qaadi doonaa tallaabada sharci ee ku habboon.
FIIRO GAAR AH:
Bogga rasmiga ah ee WW&S ee barta Facebook waa kan, waxaana lagu garan karaa calaamadda buluugga ah ee ka muuqata (Verified badge).